Ruushka oo xayiraad "aargoosi ah" kusoo rogay Boris Johnson

Image
Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska ayaa hormuud u ah ololaha caalamiga ah ee lagu cadaadinayo xukuumadda Moscow.

MOSCOW, Russia - Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka ayaa Sabtidii sheegtay inay dalkeeda ka mamnuucday Raysal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson, xoghayaha arrimaha dibadda Liz Truss, xoghayaha difaaca Ben Wallace iyo 10 xubnood oo ka tirsan dowladda Britain iyo siyaasiyiin kale.

Go’aanka uu Ruushka kaga mamnuucay dalkiisa Raysal Wasaaraha Ingiriiska iyo xubnaha kale ee sida aad ka oogu dhaw ayaa la sheegay in ay ka danbeysay talaabooyin lagu sheegay in ay muujinayeen cadowtinimo weyn kuwaas oo ay qaaday dowladda uu hogaamiyo RW Boris Johnson ka dib markii ay kusoo rogeen cunaqabateyn madaxda sare ee Ruushka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka ayaa sidoo kale sheegtay in liiska ay dhawaan ballaarin doonaan iyadoo saameyn doonto dad badan oo aan hadda kasoo dhex muuqan kuwa laga mamnuucay in ay soo galaan dalka Ruushka.

Kremlin-ka ayaa ku tilmaantay Johnson oo ka mid ahaa taageerayaashii ugu adkaa ee Ukraine, inuu yahay "ka qaybqaataha ugu firfircoon ee ololaha looga soo horjeedo Ruushk.”

Toddobaad ka hor Boris Johnson ayaa booqday Kyiv halkaas oo isaga iyo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ay midba midka kale ku ammaanay wadashaqeyntooda tan iyo intii uu bilawday dagaalka ay ciidamada Ukraine kula jiraan kuwa Ruushka, kaas oo Moscow ay ugu yeertay "hawlgal gaar ah."

"Ingiriiska iyo saaxiibadayada caalamiga ah waxay si midaysan u cambaareynayaan ficillada canaanta ah ee dawladda Ruushka ee Ukraine waxayna ugu baaqayaan Kremlin-ka inuu joojiyo dagaalka," afhayeen u hadlay dowladda Ingiriiska ayaa yiri isagoo ka jawaabaya go'aanka Moscow ee ah in Johnson iyo siyaasiyiin kale oo British ah laga joojiyo in ay soo galaan dalka Ruushka. "Waan ku adkaysanaynaa taageeradayada Ukraine," ayuu afhayeenku ku daray.

Go’aanka ay qaadatay xukuumada Moscow ayaa la saadaalin karin waxa ay uga goyn karto dagaalka ay kula jiraan xukuumada Kyiv iyadoo dagaalka uu ku sii siqayo bishii labaad.

Ruushka ayaa sidoo kale shaley digniin u diray dowladda Mareykanka taas oo uu ooga digay in haddii ay joojin waayaan hubka ay kusoo daabulayaan dalka Ukraine ay ayaga dusha saaran doonaan cawaaqibka xun ee ka dhasha. Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa ahaa dalalka sida aad ka uga taageeray ciidamada Ukraine in ay si aad ah iskaga caabiyaan duulaanka Ruushka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Shiinaha oo Heshiis Cusub Ka Gaaray Canshuuraha Ganacsiga

Xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Shiinaha ayaa bilaabatay sanadkii 2018, mudo-xileedkii hore ee Donald Trump.

  • Caalamka

    12-05-2025

  • 07:58AM

PKK oo shaacisay inay hubka dhigayso si usoo afjarto dagaalka dowladda Turkiga

Warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka Firat News Agency — oo ah ilo warbaahineed si weyn ugu dhow PKK.

  • Caalamka

    12-05-2025

  • 07:16AM