Ruuska oo shaaciyay in Ukraine laga dilay bishan 17 kun oo askri

Image

MOSCOW - Wasiirka difaaca ee Ruushka Sergei Shoigu ayaa maanta ku dhawaaqay tirada guud ee khasaaraha Ukraine gaaray bishan, isaga oo xusay in Ukraine ay dagaalkan ku waaysay ciidmo tira badan.

Sergei Shoigu ayaa ku sheegay, kulan ay yeesheen Wasaaradda Difaaca Ruushka Talaadadii, in ciidamada Ruushku ay sii wadaan hawlgallada gaarka ah si ay uga adkaadaan cadowga.

Shoigu waxa uu soo hadal qaaday khasaaraha soo gaaray ciidamada Ukraine bishan September, wuxuuna sheegay inay gaarayaan in ka badan 17 kun oo qof, iyo in ka badan 2.7 kun oo qalab dagaal oo isugu jira hub iyo agab ciidan.

Shoigu ayaa yiri: "Maraykanka iyo xulafadiisa waxay sii wadaan inay hubeeyaan ciidamada qalabka sida ee Ukraine, iyo in Kiev ay askar aan mla soo tababarin dagaalka ku tuuraan.”

Waxa uu intaa ku daray in Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ay ka shaqaynayso sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda dagaalka ee ciidamada qalabka sida, oo ay ka mid tahay in la helo hub casri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM