RW Spain: Xad-gudubyada Israel lama aqbali karo

Image

Madrid-Ra'iisul wasaarada Spain, Pedro Sánchez ayaa sheegay in Duulaanka Israel ay ka gaysatay marinka Gaza iyo waxa ay ka samaysay ay yihiin kuwa aan la aqbali karin.

Waraysi uu siiyay Telefishinka dalkaasi, RTVE ayuu ku sheegay in aanay suurtagal ahayn dalalka Galbeedka iyo Yurub ay ka aamusnaadaan xaalada Falastiiniyiinta.

''Waa mid Akhlaaqeed iyo mid bini-aadannimo. sax ma ahan in anagu aanu nahay dalka Yurub ugu taageerada badan Falastiiniyiinta waxaa jirar dalal horey u aqoonsaday dowlada Falastiin inta aanay midawga Yurub kusoo biirin sida Sweden oo kale''.

Dalalka Galbeedka iyo Maraykanka ayuu ugu baaqay in ay aqoonsadaan dowlada Falastiiniyiinta isaga oo sii raaciyay'' dalal 140 gaaraya ayaa Caalamka aqoonsan dowlada Falastiiniyiinta waa in la aqoonsado''.

Dalalka Carabta ayuu sheegay in aysan ku qancaynin ka qeyb galka shirar iyo heshiisyo aanay waxba kasoo baxayn.

''Waxay leeyihiin sidee uga soo qayb galnaa shirarka iyo heshiisyo horey loo gaaray kuwaasi oo laga soconayo oo aan dhaqan galayn''.

Dalalka Galbeedka gaar ahaan Yurub iyo Maraykanka ayaa la kulmaya cadaadis uga imaanaya Bulshooyinka dalalkaas kadib markii ay iska Indho-tireen xad-gudubyada Israel ka geysatay dhulka Falastiiniyiinta.

Dhawaan ayaa waxaa dhaqan galay xabad joojin ay Gar-wadeen ka tahay Qadar taasi oo afar maalin ahayd iyada oo labo maalin oo kale lagu daray balse Qaramada Midoobay ayaa doonaysa in la dheereeyo wakhtiga xabad joojinta lagana dhigo mid rasmi ah isla markaana Bini'aadannimo.

 

GaroweOnline.

Related Articles

Trump oo Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ka Codsaday inay ku Biiraan "Heshiiskii Ibraahim" marka uu Dagaalka Iran Dhammaado

Saraakiisha ayaa sheegay in markii Trump uu soo jeediyay in waddamada aan weli aqoonsan Israa’iil ay ku biiraan Heshiiska Ibraahim.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 06:16PM

Mareykanka oo gantaalo ku garaacay Iran iyo Trump oo soo saaray digniin kulul

Weerarkan cusub ayaa yimid xilli uu jiro xabbad-joojin ay dhexdhexaadinayso dowladda Pakistan oo dhaqangashay tan iyo 8-dii April.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 11:34AM