Sacuudi Carabiya oo Dib u Celisay 269,000 Qof oo Aan haysan Ruqsada Xajka

Image

Makkah – Mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay in ay ka joojiyeen gudashada Xajka 269,678 qof oo aan haysan rukhsaddo, ka hor inta uusan bilaaban gudashada waajibaadka sannadlaha ah ee Xajka.

Dowladda Sacuudiga waxay sheegtay in dadka aan heysan rukhsadda Xajka ay sabab u yihiin ciriiri iyo dhibaatooyin dhaca xilliga Xajka. Sidoo kale, waxaa la sheegay in dad badan oo sanadkii hore u geeriyooday kulayl ay ahaayeen kuwa aan oggolaansho heysan.

Sharciga dalkaasi wuxuu dhigaya in Xajka uu gudan karo kaliya qof heysta rukhsad, xitaa haddii uu joogo magaalada Makkah sanad walba.

Intii uu socday shir jaraa’id oo lagu qabtay Makkah, mas’uuliyiintu waxay sheegeen in sidoo kale in ka badan 23,000 qof oo deggenaa gudaha Sacuudiga la ciqaabay, kadib markii lagu qabtay iyagoo jebiyay xeerarka Xajka. Waxaa kaloo la laalay rukhsaddii 400 shirkadood oo xajka fududeynayay.

Taliyaha Guud ee Howlgallada, General Maxamed Al-Cumari, ayaa yiri: “Qofka Muxtajka ah waa la ogyahay, ciddii jebisana waa lala xisaabtamaa.”

Xilliga Xajka sanadkan ayaa kusoo beegmay xilli kulayl ba'an uu ka jiro dalkaasi, iyadoo xujeyda ay u baahan yihiin adeegyo iyo ilaalin gaar ah.

Warka rasmiga ah ee lasoo saaray wuxuu sheegaya in magaalada Makkah ay hadda joogaan 1.4 milyan oo xujey ah oo si sharci ah kusoo galay, iyadoo la filayo in tiro kale ay kusoo biiri doonaan maalmaha soo socda.

Sharciga Sacuudiga wuxuu dhigaya in qofkii lagu qabto isagoo gudanaya Xaj sharci-darro ah la ganaaxi karo illaa $5,000, waxaana suurtagal ah in laga musaafuriyo dalka, haddii uu yahay ajaanib.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM