Sacuudi Carabiya oo noqoneysa maalgeliyaha ugu weyn adduunka ee kumbiyuutarrada Gaaradka macmalka ah

Image
Boqortooyada ayaa qorsheyneysa inay 40 bilyan oo doolar ku maalgeliso Mashaariicdan.

Riyaad (GO) - Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa inay sameyso sanduuq qiimihiisu yahay 40 bilyan oo doolar si loogu maalgeliyo Mashaariicda la xiriira Garaadka macmalka ah, taasoo qeyb ka ah dadaallada xooggan ee Boqortooyada ku yareyneyso ku tiirsanaanta shidaalka.

Sacuudi Carabiya ayaa ka fiirsaneysa inay bilawdo sanduuqa qeybta labaad ee sanadkan, waana tallaabo Boqortooyada ka dhigaysa maalgeliyaha ugu weyn adduunka ee dhanka Gaaradka macmalka ah, sida uu sheegay wargeyska New York Times.

Sacuudi Carabiya ayaa dooneysa inay gaarto yoolalkan iyada oo u maraysa "sanduuqa madaxbannaanida", oo leh hanti qiimaheedu ka badan yahay $900 bilyan.

GAROWE ONLINE

 

 

 

 

 

 

 

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM