Sacuudi Carabiya oo xal u goobaya khilaafka kala dhaxeeya Qadar

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Wasiirka arrimaha dibadda boqortooyadda Sacuudiga ayaa sheegay in xukuumadda Riyadh ay goobeyso waddo kasta oo ay u aragto in xal waara looga gaair karo xiisadda kala dhaxeysa deriskeeda Qadar.

Isagoo Sabtidii ka hadlayey muranka, amiir Faysal bin Farxaan Al Sacuudi ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay sii waddeyso sidii ay u soo afjari lahayd go'doominta Qadar, balse wuxuu intaas ku daray in ay shuruud la’aan ay u sii jireyso walaacooda amniga gobolka.

Is-mari-waaga ayaa soo bilowday 2017-kii markii Baxreyn, Sacuudiga, Imaaraadka iyo dalka aan Khaliijka kamid ahayn ee Masar ay xayiraad kusoo rogeen Qadar isla markaana ay hoos u dhigen xiriirka diblumaasiyadeed iyagoo ku eedeeyay taageerida argagixissada.

Qadar oo beenisay dhamaan eedeymahaas ayaa ku gacan-seyrtay dalabyo ay kamid yihiin in ay xirto telefishinka Al Jazeera si looga qaado xayiraadaas culus ee lagu soo rogay.

Bishii hore ayay ahayd markii amiir Faysal uu si lamid ah ka dhawaajiyey in ay diyaar u yihiin baadigoobka xal kama dambeys ah kaasoo soo gabagabeeya is-qabqabsiga wadamada Carbeed.

Wasiirka arrimaha dibadda Qadar, Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan Al Thani ayaa todobaadkii hore wuxuu xaqiijiyey in uusan jirin dal ku guuleysanaya qalalaasaha Khaliijka.

Waddankiisa ayuu cod dheer kaga dhawaajiyey in uu rajeynayo in biyo-qabow lagu shubo xasaradda "waqti kasta". Balse kama dhawaajin hadii hadii isu soo dhowaanshiyo jirto.

Hasa ahaatee, Yousef al-Otaiba oo ah danjiraha Imaaraadka Carabta ee Mareykanka, ayaa dhowaan warbaahinta Yahuuda u sheegay in xalka uusan dhowaan imaan karin.

"Uma maleynayo in xalka uu si fudud ku imaan doono dhowaan maxaa yeelay uma maleynayo in uusan jirin cid si gaar ah isugu xil-saartey," ayuu al-Otaiba tibaaxay, isagoo quus muujinaya.

Xiisadda dalalka Khaliijka ayaa si culus u saameysay wadamada saaxiibka la ahaa dowladahanaan kana mid tahay Soomaaliya. Xukuumadda Muqdisho waxay si dadban una safatay Dooxa, wallow ay dhexdhexaadnimo sheegato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM