Sacuudiga: 12 ku dhimatay weerar gantaal oo lagu qaaday garoonka Riyadh

Image

RIYADH (GO) — Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay, boqolaal kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii weerarro gantaallo ah lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee magaalada Riyadh, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen.

Hay'adda Duulista Rayidka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in 12 qof ay dhinteen, halka 309 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka. Dadka dhintay ayaa kala ah afar u dhalatay Sacuudiga, labo reer Bangladesh ah, iyo min hal qof oo ka kala socday dalalka Mareykanka, Masar, Urdun, Suuriya, Falastiin iyo Suudaan.

Garoonka ayaa markale la bartilmaameedsaday Sabtidii, waxaana gebi ahaanba laga daadgureeyay dadkii ku sugnaa, sida ay xaqiijiyeen labo sarkaal oo gobolka ah. Weerarkan ayaa yimid labo maalmood kaddib markii saddex qof oo Sacuudiyaan ah—oo uu ku jiro duuliye—lagu dilay duqeyn hore.

Sarkaal goboleed oo magaciisa qariyay sababo la xiriira inaan loo oggolayn la hadalka warbaahinta ayaa sheegay in gantaal uu ku habsaday labo qeybood oo loogu talagalay duulimaadyada gudaha, halkaasna ay ka dhasheen khasaare ballaaran.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa suxufiyiinta u sheegay in maamulkiisu uu ka fiirsanayo inuu ku biiro howlgallada Sacuudigu ku qaadayo Xuutiyiinta kaddib weerarrada is-daba-joogga ah.

"Waxaa suurtagal ah inaan ku biirno. Waan eegi doonnaa arrintaas," ayuu yiri Trump. "Hadda ayaan helnay xogta weerarkii ugu dambeeyay. Go'aan ayaan qaadan doonnaa, si degdeg ahna tallaabo ayaan u qaadaynaa."

Garoonka King Khalid ayaa dhowr jeer la beegsaday toddobaadkan, kaddib markii isbahaysiga uu Sacuudigu horkacayo ay hawlgal militari oo ballaaran ku qaadeen fallaagada Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Iran ee dalka Yemen. Xuutiyiinta ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarradii hore, oo uu ku jiro mid Arbacadii dhacay oo lagu dilay qof u dhashay dalka Suudaan.

Weerarrada dhowaanahan lagu beegsanayay garoomada, xarumaha milatariga, iyo kaabayaasha shidaalka ee dalka Sacuudiga—oo ah dalka ugu weyn ee dhoofiya shidaalka caalamka—ayaa qalqal geliyay suuqyada caalamiga ah iyo xasiloonida gobolka, xilli uu sii faafayo saameynta colaadda Iran.

Xafiiska Xiriirka Caalamiga ah ee dawladda Sacuudiga (CIC), oo kormeera warbaahinta caalamiga ah, ayaan markiiba ka jawaabin codsi faahfaahin looga doonayay.

In ka badan darsin gaadiidka gurmadka degdegga ah (Ambulance) ayaa la arkayay iyagoo u yaacaya dhanka garoonka diyaaradaha maalintii Sabtida. Ahmed Sayed oo ka mid ah dadka deggan Riyadh ayaa xaqiijiyay inuu maqlay ugu yaraan labo qarax oo xooggan oo ka dhacay caasimadda.

Duulimaadyadii ku socday Riyadh ayaa loo weeciyay meelo kale kaddib markii diyaaraddii ugu dambeysay ay caga-dhigatay 2:05 duhurnimo, sida ay muujisay xogta Flightradar24.

Shirkadda duulimaadka ee Kuwait Airways ayaa shaacisay inay baajisay dhammaan duulimaadyadii sababo la xiriira xirnaanshaha garoonka. Sidoo kale, safaaradaha UK, Mareykanka, iyo Canada ayaa uga digay muwaadiniintooda inay u safraan ama tagaan aagga garoonka, iyagoo xusay "dhaqdhaqaaqyo militari oo socda" iyo xaalad degdeg ah oo ka dhalatay dhacdada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM