Sacuudiga: Fure Gaari oo halis geliyay qof noloshiisa

Image

RIYADH - Dhakhaatiirta Sacuudiga ayaa ku guuleystay inay soo saaraan fure ku dhegan dhuunta nin 49 jir ah oo sida muuqata isagoo ku ciyaarayay ku faktay.

Koox caafimaad oo ku sugan magaalada Al-Qunfudhah ee ku taalla badda cas ayaa ninkan ku sameeyay qalliin socday muddo 15 daqiiqo ah, kaddib markii si degdeg ah loola soo cararay Isbtaalka.

Ninkan ayaa la sheegay inuu liqay furaha, isagoo ku ciyaarayay, si lama filaan ah. Waxaa la sheegay inay sababtay furaha dhuunta u istaagey neef-qabatiin.

Raajo ayaa muujisay furaha birta ah ee ku jira hawo-mareenka.

Qaliinka caafimaadka ayaa si degdeg ah loo fuliyay tan iyo markii la sheegay in bukaanku uu qabay xanuun wadnaha ah.

Dhaqaatiirta ayaa isticmaalay endoscopy, si ay uga soo saaraan walxaha birta ah d dhuunta ninkan.

Waxay Dhaqaatiirta sheegeen in ninkan xaaladdiisu ay wanaagsan tahay hadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM