Sacuudiga iyo Kuwait oo ka shiray xaalada gobolka iyo caalamka

Image
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay xiisad ka dhex-aloolsan tahay Yahuuda iyo Falastiiniyiinta.

RIYADH, Saudi Arabia - Wasiirka arimaha dibada boqortooyada Sucuudiga, Farxaan bin Feysal Al-Sucuudi, ayaa kala hadlay madaxda dalka Kuwait xaaladaha gobalka bariga dhexe iyo caalamka.

Wakaalada wararka ee boqortooyada Kuwait ayaa sheegtay in Al-Sucuudi uu kula kulmay caasimada Kuweit dhaxal-sugaha Kuwait Mashcal Bin Axmed Jaabir Al-Sabaax iyada oo aan wax faah-faahin ah ku darin.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Kuwait ayaa lagu xusay in wasiirka arimaha dibada Sucuudigu uu kala hadlay dhaxal-sugaha Kuwait iskaashiga labada dal iyo xaaladaha bariga dhexe.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in wasiirka arimaha dibada Sucuudigu uu kula kulmay xarunta wasaarada wasiirka arimaha dibada Kuwait Saalim Cabdalla Jaabir Al-Sabaax.

Labada wasiir arimo dibadeed ayaa war-saxaafadeed lagu sheegay in ay ka wada hadleen arimaha labada wadan u leh hor-tabinta iyada oo aan faah-faahin laga sii bixin.

Amiir Feysal Bin Farxaan ayaa Sabtidii ku tagay Kuwait booqasho aan horey loo sii shaacin isla markaana aan la ogayn mudada ay qaadanayso. Safarkan ayaa yimid iyadda oo ay xiisado jiraan.

Xiisadaha ayaa ka aloolsan Yahuuda iyo Falastiiniyiinta. Sidoo kale, waxaa taagan caro ka dhalatay Kitaabka Qur'aanka oo lagu gubay Sweden, Holland iyo Denmark kuwaasoo si weyn loo cambaareeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM