Sacuudiga oo $600 Bilyan oo maalgashi ah ku sameynaya Maraykanka

Image

RIYADH - Sacuudiga ayaa maalgelin gaaraysa $600 bilyan ku sameynaya Maraykanka afartii sano ee soo socota, sida uu sheegay Dhaxal-suge Mohammed bin Salman kadib wadahadal khadka Taleefonka ah oo uu la yeeshay Madaxweyne Donald Trump.

Tallaabadan, oo loogu talagalay in lagu balaariyo ganacsiga labada dal, ayaa timid markii Trump uu noqday Madaxweynaha cusub ee Mareykanka, si uu ugu hambalyeeyo, sida ay warisay Wakaaladda Wararka Sacuudi Carabiya (SPA).

Maxamed Bin Salman ayaa sheegay in Sacuudiga ay diyaar u tahay inay ka faa’iidaysato fursadaha iskaashi iyo maalgelinta ee ay abuuri doonaan isbedelada la filayo ee maamulka cusub, kuwaasoo laga yaabo inay gaaraan “barwaaqo dhaqaale oo aan horay loo arag,” sida ay sheegtay SPA.

Hogaamiyayaasha labada dal ayaa sidoo kale ka wadahadlay iskaashiga u dhaxeeya Sacuudi Carabiya iyo Maraykanka si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida Bariga Dhexe, iyo sidii loola dagaalami lahaa argagixisada.

Madaxweyne Trump ayaa ka dhawaajiyay in uu qadarinayo qorshahan, isagoo sheegay in Maraykanka uu sidoo kale diyaar u yahay in uu la shaqeeyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya “arrimaha danaha labada dal,” sida uu sheegay SPA.

Isaga oo ka hadlaya kaddib xafladdiisa caleema-saarka Isniintii, Trump ayaa ka hadlay suurtagalnimada inuu u safro Sacuudi Carabiya mar kale, sida safarkiisii hore ee 2017.

Safarkii uu Trump ku tagay Sacuudi Carabiya ee 2017 ayaa burburiyay caado hore oo ahaa in madaxweynayaasha Maraykanka ay marka hore tagaan Ingiriiska markii ugu horeysa ay u safraan dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM