Sacuudiga oo dhex-dhexaadinaya Mareykanka iyo Ukraine

Image

Washington — Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah uu gaaro magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, halkaas oo la filayo in ay ka billowdaan wadahadallo u dhexeeya Mareykanka iyo Ukraine.

Socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Sacuudiga ayaa qeyb ka ah dadaalka uu maamulka Madaxweyne Donald Trump ku riixayo soo afjaridda dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.

Sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Dibadda, Rubio wuxuu hoosta ka xarriiqay go'aanka Madaxweyne Trump ee ah inuu joojiyo dagaalka sida ugu dhakhsaha badan, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in dhammaan dhinacyadu ay tahay inay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo nabad waarta. Hadalkaas ayuu Jimcihii u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine, Andrii Sybiha, oo uu telefoon kula hadlay.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa lagu wadaa in uu isna maanta tago dalka Sacuudiga, halkaas oo uu kula kulmi doono Amiirka leh dhaxalka boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan.

Marka uu Zelenskyy dib u laabto, ayaa waxaa Sacuudiga baaqi ku sii ahaan doona saraakiil isugu jirta diblomaasiyiin iyo kuwo millatari oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Madaxtooyada Ukraine, Andriy Yermak.

Wafdigaas oo wadahadallo la yeelan doona wafdi ka socda dowladda Mareykanka, ayaa waxaa sidoo kale ku jira Wasiirka Arrimaha Dibadda, Andrii Sybiha, Wasiirka Gaashaandhigga, Rustem Umerov, iyo Taliyaha Ciidanka Millatariga, Pavlo Palisa.

Dhanka wafdiga Mareykanka waxaa hoggaaminaya Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, waxaase qeyb ka ah La-taliyaha Amniga Qaranka, Mike Waltz, iyo Ergeyga Gaarka ah ee Bariga Dhexe ee Trump, Steve Witkoff.

Wadahadallada Mareykanka iyo Ukraine ayaa dhici doona saddex toddobaad ka dib, markii saraakiil sarsare oo Mareykan ah ay magaalada Riyaad wadahadallo kula yeesheen diblomaasiyiinta sare ee Ruushka.

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM