Sacuudiga oo diray baaq ka dhan ah Iran kadib qarax geeri sababay

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Boqorka Sacuudi Carabiya, Salmaan bin Cabdel Casiis oo muuqaal soo duubay, ayaa cod dheer wuxuu aduunka waydiistay in ay qaadaan talaabo wax ku ool ah kana dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Xukuumadda Tehran ayuu ku eedeeyay in ay faragelin ku hayso arrimaha gudaha qaar kamid ah dowladaha deriska iyo qaar kale oo dhaca Khaliijka, isagoo tibaaxay in Iiraan ay taageerto argagixisada.

Qaylodhaanta ayaa kusoo hagaageysa xilli shalay uu Sacuudiga gaar ahaan magaalada Jidda ka dhacay qarax sababay khasaaro isugu jira mid nafeed iyo mid maaliyadeed.

Ugu yaran afar qof ayaa ku dhimatay wax uu Faransiiska ugu yeeray “weerar bambo” oo Arbacadii ka dhacay munaasabad ka socotay magaalada Jidda ee dalka Faransiiska, sidda ay warisay warbahinta dalkaas.

Wasaaradda arrimaha dibada Faransiiska ayaa sheegtay in weerarka uu dhacay intii ay socotay munaasabada ay ka qeybagaleen diblumasiyiin isla markaana lagu xusayey dhamaadka dagaalkii koowaad ee aduunka.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, dhowr qof ayaa ku dhaawacmay falkaas. Hasayeeshee, lama caddeyn tiradda saxda ah.

Maamulka gobolka Mecca oo weerarka ku qeexay “mid bahalnimo ah” ayaa sheegay in baaris natiijadeeda la shaacinayo lagu bilaabay.

Dowladaha Faransiiska, Greece, Talyaaniga, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa cambaareyay weerarka kadib bayaan wadajir ah oo ay soo saareen.

"Falalka noocaan ah ee lagu beegsanayo dadka aan waxba galabsan waa wax laga xishoodo oo aan loo qiil dayi karin,” ayuu ku dareen, iyaga oo soo kabasho deg-deg ah u rajeeyay dadka kale ee dhaawacyada soo gaarey.

Boqortooyadda Sacuudiga ayay u balanqaadeen taageero ku saabsan baaritaanka weerarka iyo in ay kasoo baxaan natiijo wax ku ool ah.

Qatar, Imaaraadka, Baxreyn iyo Jordan oo qoraalo kala gooniya soo saarey ayaa midnimo u muujiyey Sacuudiga, iyagoo ka dhawaajiyey in ay ka xun yihiin.

Weerarka ayaa kusoo hagagaya todobaadyo kadib markii la weeraray Qunsulyada Sacuudiga ee isla Jidda, halkaasoo askari lagu dhaawacay. Falkaas wuxuu yimid markii madaxweyne Emmanuel Marcon u gefay Islaamka iyo Nabi Maxamed [SCW].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM