Sacuudiga oo duqeyn ka fuliyey Sanca kadib qaraxyo culus

Image

SANCA, Yemen - Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ee Yemen kula dagaalamaya falaagada Xuutiyiinta ayaa duqeyn ka fuliyey caasimada Sanca wax yar kadib qaraxyadii ruxay garoonka diyaaradaha magaalada kaasoo ay ku nafwaayeen ugu yaraan 26 ruux.

Sidda uu wariyey telefishinka Al Masirah TV ee Xuutiyiinta maamulaan, duqeynta ayaa habeenimadii Arbacada ayaa ka dhacay goobo ay kamis yihiin garoonka diyaaradaha iyo laba fariisimo kale oo Xuutiyiintu leeyihiin.

Ma jiro wax khasaaro nafeed ah oo ilaa iyo hadda la soo sheegay, wallow laga cabsi qabo in waxyeeladda ay tahay mid balaaran.

Telefishinka Al Jazeera ee fadhigiisu yahay waddanka Qadar ayaa wariyey in duqeymaha ay gaarayaan sideed, balse ma bixin tafaasiil intaas ka badan.

António Guterres, oo ah madaxa UN-ka, ayaa cambaareeyay weerarkii "foosha xumaa" ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Cadan, kaas oo yimid daqiiqado kadib markii ay soo caga dhigatay diyaarad siday xubno ka tirsan golaha wasiirada cusub ee lagu dhisay heshiiska Sacuudiga garwadeenka ka ahaa ee lagu yagleelay dowlad wadaag ah.

Saacado kadib weerarka, qarax labaad ayaa laga maqlay agagaarka Madaxtooyadda Cadan ee Maasheq halkaas oo xubnaha golaha wasiirada oo uu kamid yahay raiisul wasaaraha Yemen Maeen Abdulmalik, iyo sidoo kale safiirka Sacuudiga ee Yemen, Mohammed Said al-Jaber, loo qaaday sababo amaanka darteed.

"Laba xubnood oo ka tirsan shaqaalaha Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka midna waa la la'yahay," ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay ICRC.

Ra'iisul wasaare Abdulmalik ayaa wuxuu sheegay in dhamaan xubnaha golaha wasiiradu ay "wanaagsan yihiin". Wuxuu ku sifeeyay weerarada mid "khiyaano" iyo "fulaynimo ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM