Sacuudiga oo ka Joojiyay Soomaaliya Fiisaha Cumrada 

Image

RIYADH - Boqortooyadda Sacuudiga ayaa si kumeel gaar ah u joojisay bixinta fiisayaasha Cumrada iyo booqashada qoyska ee muwaadiniinta Soomaaliya iyo 13 waddan kale, iyada oo sababtay arrimo amni iyo maaraynta dadweynaha kahor xilliga Xajka ee 2025.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay joojinta, oo dhaqan gashay 13-kii bishan April, waxayna ku tilmaameen tani tallaabo ka hortag ah, taasoo socon doonta ilaa dhammaadka Xajka sannadkan 2025.

Joojinta kumeel gaarka ah waxay khusaysaa dadka codsanaya fiisayaasha Cumrada iyo booqashada qoyska, kuwaas oo aan haysan rukhsadaha rasmiga ah ee Xajka, balse ma saameyneyso dadka haysta fiisayaasha Xajka rasmiga ah ama dukumiintiyada kale.

Waddamada la saameeyay waxaa ka mid ah: Iiraan, Nigeria, Yemen, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, Chad, Niger, Mali, Jamhuuriyadda Dimuqraadiya ee Kongo, Jamhuuriyadda Afrika dhexe, Liibiya, Suudaan, iyo Baakistaan.

Mas’uuliyiinta ayaa ka digay in ku xadgudubka xeerarka fiisaha ay keeni doonto ganaaxyo culus, xabsi, ama in la soo deporto. Waxa ay sidoo kale carabka ku adkeeyeen in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin dadaallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga iyo maaraynta habsami u socodka mid ka mid ah shirarka diimeed ee ugu weyn adduunka.

Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale caddeysay in xayiraadahan ay tahay kuwo kumeel gaadh ah, isla markaana la qaban doono marka xilliga Xajka la soo gabagabeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM