Sacuudiga oo ka Joojiyay Soomaaliya Fiisaha Cumrada 

Image

RIYADH - Boqortooyadda Sacuudiga ayaa si kumeel gaar ah u joojisay bixinta fiisayaasha Cumrada iyo booqashada qoyska ee muwaadiniinta Soomaaliya iyo 13 waddan kale, iyada oo sababtay arrimo amni iyo maaraynta dadweynaha kahor xilliga Xajka ee 2025.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay joojinta, oo dhaqan gashay 13-kii bishan April, waxayna ku tilmaameen tani tallaabo ka hortag ah, taasoo socon doonta ilaa dhammaadka Xajka sannadkan 2025.

Joojinta kumeel gaarka ah waxay khusaysaa dadka codsanaya fiisayaasha Cumrada iyo booqashada qoyska, kuwaas oo aan haysan rukhsadaha rasmiga ah ee Xajka, balse ma saameyneyso dadka haysta fiisayaasha Xajka rasmiga ah ama dukumiintiyada kale.

Waddamada la saameeyay waxaa ka mid ah: Iiraan, Nigeria, Yemen, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, Chad, Niger, Mali, Jamhuuriyadda Dimuqraadiya ee Kongo, Jamhuuriyadda Afrika dhexe, Liibiya, Suudaan, iyo Baakistaan.

Mas’uuliyiinta ayaa ka digay in ku xadgudubka xeerarka fiisaha ay keeni doonto ganaaxyo culus, xabsi, ama in la soo deporto. Waxa ay sidoo kale carabka ku adkeeyeen in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin dadaallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga iyo maaraynta habsami u socodka mid ka mid ah shirarka diimeed ee ugu weyn adduunka.

Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale caddeysay in xayiraadahan ay tahay kuwo kumeel gaadh ah, isla markaana la qaban doono marka xilliga Xajka la soo gabagabeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM