Sacuudiga oo ka qeybgalay Shir lagu difaacayo madax-banaanida Soomaaliya

Image

MANAMA - Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Abdulrahman Al-Rassi, ayaa Talaadadii ka qeyb galay shirka kooxda wada shaqeynta ee heer wasiir oo ka dhacay magaalada Manama ee dalka Baxreyn.

Shirka ayaa ku saabsanaa sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa kahor tagga faragelinta lagu hayo madax-banaanideeda .

Intii uu socday kulanka, kooxdu waxay ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay xoojinta isku-xirka Carabta ee arrimaha danta guud, iyo muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida dawladaha si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ergeyga joogtada ah ee Sacuudiga u fadhiya Jaamacadda Carabta, Cabdulcasiis Al-Matar iyo agaasimaha guud ee xafiiska wasiir ku xigeenka, Mohammed Al-Shehri, iyo mas’uuliyiin kale.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM