Sacuudiga oo Lagu Eedeeyay Inuu Khiyaamay Iran oo uu Gacan Siiyay Israel 

Image

Riyadh, 21 Juun 2025 – Warar soo baxaya oo laga helay ilo diblomaasiyadeed iyo warbaahin caalami ah ayaa muujinaya in xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Iran uu mar kale cirka isku shareeray, kadib markii Sacuudiga lagu eedeeyay inuu si dadban ama toos ah u taageeray Israa’iil – taasi oo ay Iran ku tilmaantay “khiyaamo cad oo ka dhan ah Muslimiinta iyo Qadiyadda Falastiin.”

Dowladda Iran ayaa cambaareyn kulul u jeedisay Riyadh, iyadoo sheegtay in Sacuudigu uu “ku tuntay wadajirka Islaamka” kadib markii la ogaaday in ay jiraan wadashaqeyn sir ah oo u dhaxeysa Sacuudiga iyo maamulka Yuhuudda ee Israa’iil, gaar ahaan xilliga duulaanka Iran iyo xasuuqa ka socda Qaza ee shacabka Falastiiniyiinta lagu laynayo.

Ilo wareedyo sirdoon oo laga helay Bariga Dhexe ayaa sheegaya in Sacuudi Carabiya ay sahay istiraatiiji ah iyo xog sirdoon la wadaagtay Israa’iil kahor weerarka Iran, arrintaas oo si weyn uga careysiisay hoggaamiyeyaasha Iiraan iyo xulafadooda gobolka, sida Xisbullah iyo Xamas.

Sacuudiga ayaa ilaa iyo hadda aan si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha, balse waxaa xusid mudan in xiriirkiisa la leh Israa’iil uu horay u ahaa mid qarsoodi ah oo muddooyinkii dambe si tartiib tartiib ah u furnaaday, gaar ahaan dhanka iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha.

Iran ayaa loolan awoodda bariga Dhexe kala dhaxaysa Sacuudiga, taasoo keenaysa in Maxamed Bin Salman uu taageero Israel si cadowgiisa looga adkaado.

Arrintan ayaa imaneysa xilli caalamka Muslimka uu wajaho kala qaybsanaan ballaaran, iyadoo cadaadis xooggan laga dareemayo Bariga Dhexe, halkaas oo colaadaha Falastiin iyo Israa’iil ay si joogto ah u saameynayaan xiriirka dawladaha Muslimka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM