Sacuudiga oo Marti-gelinaya Shir Looga Hadlo Qorshaha Trump ee Gaza

Image

RIYADH, SAUDI ARABIA - Hoggaamiyayaasha Carabta ayaa lagu wadaa inay isugu yimaaddaan Jimcaha dalka Saudi Arabia si ay uga wadahadlaan ka hortagga qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee la wareegista Gaza iyo qaxinta dadka shacabka, sida ay sheegayaan ilo-diplomaasiyadeed iyo kuwo dowladda ka tirsan.

Mohammed bin Salman, ayaa ku casuumay hoggaamiyayaasha dalalka Khaliijka, Masar, iyo Urdun kulanka ka dhici doona caasimadda Riyadh, sida ay xaqiijiyeen warbaahinta qaranka ee Saudi Arabia SPA.

Qorshaha Trump ayaa mideeyay dalalka Carabta ee ka soo horjeeda barakicinta Gaza, laakiin weli waxaa jira khilaaf ku saabsan cidda maamuli doonta dib-u-dhiska Gaza.

Umer Karim, khabiir ku takhasusay siyaasadda arrimaha dibadda ee Saudi Arabia, ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay “midka ugu muhiimsan” ee sanado badan lagu qabto ee ku saabsan dunida Carabta iyo arrinta Falastiin.

Trump ayaa abuurey carro caalami ah markii uu yiri Maraykanku ayaa "la wareegi doono Gaza" iyo in 2.4 milyan qof oo ah dadka degan loo wareejin doono dalalka deriska ah ee Masar iyo Urdun.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in dib-u-dhiska Gaza uu ku kacayo in ka badan $53 bilyan sanadaha saddexda ugu horeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM