Sacuudiga oo shaaciyay wadarta Xujeyda dhimatay sanadkan 2024

Image
Dadka dhintay ayaa ka kala yimid in ka badan 10 wadan oo ku kala fidsan Mareykanka ilaa Indonesia.

RIYADH, Saudi Arabia - Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay Axaddii in in ka badan 1,300 Xujey ah ay ku dhinteen xajka kuleyl daran darteeda. Inta badan dadka dhintay ayaan haysan sharciyo rasmi ah.

“Waxaa wax laga xumaado ah in tirada dhimashadu ay gaartay 1,301, iyadoo boqolkiiba 83 aan loo ogolayn inay xajka soo gutaan, waxayna soo mareen masaafo dheer oo qorraxda tooska ah, iyagoo aan haysan hoy iyo raaxo ku filan," ayay ku warrantay wakaaladda wararka ee Sucuudiga.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa usbuucii hore soo xigatay bayaan rasmi ah iyo warbixino ka soo baxay dublamaasiyiin ku lug lahaa jawaabaha dalalkooda, waxay warisay in dhimashadu ka badan tahay 1,100.

Dadka dhintay ayaa ka kala yimid in ka badan 10 wadan oo ku kala fidsan Mareykanka ilaa Indonesia, waxaana dowladaha qaar ay sii wadaan inay cusbooneysiiyaan wadarta guud.

Heerkulka Mecca sanadkan ayaa sare u kacay ilaa 51.8 darajo Celsius (125 darajo Fahrenheit), sida ay sheegtay xarunta saadaasha hawada qaranka Sacuudi Carabiya taasoo soo saartey digniin aad u culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM