Sacuudiga oo soo rogay amar ku saabsan Xajka 2021

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Wasaaradda caafimaadka ee boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in kaliya dadka laga tallaalay COVID-19 loo oggolaan doono in ay ka qeyb galaan Xajka sannadkan, sidda uu ku warramay wargeyska afka dheer ee kasoo baxa Sucuudiga ee Okaz.

"Tallaalka COVID-19 waa mid khasab ku ah kuwa doonaya inay yimaadaan Xajka waxayna noqon doontaa mid ka mid ah shuruudaha ugu waaweyn (si loo helo rukhsad ay ku yimaadaan)," ayaa lagu yiri warbixinta Jariiradda ee Isniintii, iyadoo lagu xusay wareegto uu ku saxiixan yahay wasiirka caafimaadka taasoo warbaahinta xorta ah aysan helin.

Sacuudi Carabiya ayaa ku faana ilaalinta goobaha ugu karaamada badan ee Islaamka oo kala ah Maka iyo Madiina si lamid ah in ay si habsami leh isugu dabarido Xajka sanadlaha ah kaasoo ay horey u soo mareen dhacdooyin is-buurasho, rasaaseyn iyo rabshado.

Sanadkii 2020, boqortooyada ayaa si weyn hoos ugu dhigtay tirada Xujeyda, waxaana loo fasaxay kaliya 1,000 qof oo isugu jira muwaadiniinta Sacuudiga ah iyo dadka deggan boqortooyada, waxaana talaabadaas loo cuskaday ka hortagga faafitaanka cudurka Coronavirus.

Taariikhda casriga ah, waxay ahyad markii ugu horeysay oo Muslimiinta laga mamnuucay in ay cibaadada ka baaqdeen.

Xajka oo ah waajibaad noloshiisa mar uun saaran qof kasta oo Muslim ah kaasoo awoodi kara dhaqaalaha ku baxeysa, waa isha ugu weyn ee dakhliga ka soo gala dawladda Sucuudiga.

Jameecada malaayiin Xujeyda ah oo ka kala socda daafaha dunida ayaa sabab weyn u noqon kara gudbinta Coronavirus

Dhanka kale, wasiirka Caafimaadka ee Sacuudiga, Dr Tawfiq al-Rabiah, wuxuu sheegay in dowlada ay tahay inay u diyaar garowdo "sugida ciidamada loo baahan yahay inay ku shaqeeyaan xarumaha caafimaadka ee Mecca iyo Madiina".

"Xarumahan waxaa laga hirgelin doonaa meelaha ay kasoo gelayaan Xujeyda," ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in la sameyn doona guddi ka shaqeeya talaalidda Xujeyda ku sugan Sacuudi Carabiya kuwaasoo si lamid ah hubin doona qaarka aan soo qaadan talaalka ay xaqiijisey hay'ada WHO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM