Sacuudiga oo tarxiilay in ka badan sideed boqol oo Soomaali ah

Image

RIYADH, Sacuudiga – Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa waxay musaafurisay in ka badan sideed boqol [800] oo Soomaali ah, sidda ay ku warantay warbaahinta ku hadasha afka falaagadda Xuutiyiinta.

Sidda ku xusan warbixinta, muwaadiniintaas oo ku sugan magaaladda xuduudka dhacda Hazm ayaa wajahaya "xaalad saboolnimo".

Mas'uuliyiinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ay la xiriireen Jaaliyadda ku sugan Yemen ayaa soo wariyey tirro intaas la eg, wallow ay ka gaabsadeen in ay warbaahinta ula hadlaan si furan.

Hase ahaatee, isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ee dagaalka ka wadda waddanka Yemen ayaa beeniyey warbixinaddaas.

Illaa iyo haatan, ma cadda sababta dhabta ah ee xukuumadda fadhigeedu yaahy Riyadh ay u soo tarxiishay muwaadiniintan Soomaaliyeed.

Sacuudiga oo kamid ah wadamada caalamka ee Soomaalida ay u shaqo tagaan ayaa dalkaas kala kulma cadaadis iyo tarxiil joogto ah, arritaas oo aysan waxba ka qaban xukuumada Muqdisho.

Talaabadan ayaa waxay imaaneysaa xilli fayruska Corona uu si baaxad leh ugu faafay Sacuudiga isla markaana laga xaqiijiyey in ka badan 41-kun isla markaana dhimashadda ay sii mareyso 255 oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM