Sacuudiga oo xukumay haween u ololeysa dumarka

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Maxkamad ku taal Sacuudi Carabiya ayaa ku xukuntay Loujain al-Hathloul oo u ololeysa xuquuqda haweenka shan sano iyo sideed bilood oo xabsi ah, sidda ay warisay warbaahinta maxalliga ah inkasta ay jirto dhaleeceyn caalami ah oo khuseeya xariggeeda iyo cadaadis la doonayo in lagu sii daayo.

Wakaaladda wararka ee Sucuudiga ayaa werisay Isniintii in Al-Hathloul ay maxkamaddu ku heshay dambiyo lagu soo oogay oo ay ka mid yihiin kicin dadweyne, daba-galka ajande ajnabi ah iyo u adeegsiga internet-ka ajende lagu waxyeelleeyo xasilloonida bulshada.

Xeer-beegtadda ayaa hakisay laba sano iyo 10 bilood oo xukunkeeda ah. Waxay haysataa 30 maalmood oo ay racfaan uga qaadato xukunka.

Al-Hathloul, oo 31 jir ah, ayaa xiran tan iyo 2018 kadib markii lala qabtay ayadda iyo ugu yaraan tobaneeyo kale oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka.

Kiiska Al-Hathloul, iyo xadhigeedii labadii sano iyo badh ee la soo dhaafay, ayaa dhaleecayn kala kulmay kooxaha u dooda xuquuqda haweenka, xubnaha Koongareeska Maraykanka iyo sharci-dajiyayaasha Midowga Yurub.

Ururada xuquuqda aadanaha ayaa diiwaangeliyey jirdilka iyo xadgudubka galmo oo al-Hathloul loo geysanayay tan iyo markii la xiray.

Sida laga soo xigtay xubnaha qoyskeeda, qaar ka mid ah fadhiyada jirdilka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Dhaxal Sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salmaan ku xigeenkiisa Saud al-Qahtani.

Wargeyska Sabq ayaa tabiyey garsooraha uu sheegay in xukunka la soo saaray iyadoo ay goobjoog ahaayeen xeer ilaaliyaha, eedaysanaha, wakiil ka socda Komishanka Xuquuqda Aadanaha ee dawladda iyo tiro kooban oo ah wakiilada warbaahinta maxaliga ah. Balse masoo bandhigin caddeymo lagu kalsoonaan karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo sheegtay in taageerada milatari ee Sacuudiga aysan ku jirin weerar ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen

Al-Sisi ayaa sheegay in Masar ay difaaci doonto dhulka Sacuudiga, balse aysan ka qeyb qaadan doonin weerarro ka dhan ah Yemen.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 11:02AM

Ilhan Omar oo sheegtay inay ka guureyso gurigeeda Washington kadib baaritaanka FBI-da

Sida ay sheegtay, baaritaanku wuxuu socday afar ilaa shan saacadood, waxaana lala baxay 17 shay oo ay ku jiraan taleefanno.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 07:51AM