Rag loo dacweeyay jabsashada baraha Twitter-ka shaqsiyaad caan ah

Image

WASHINGTON, US – Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay dacwad kusoo oogtay saddex rag ah oo la aaminsan yahay in ay ku lug-lahaayeen jabsashada ciwaanimadda Twitter-ka ee shaqsiyaad caan ah.

Bishii July 15-keeda ayay ahayd markii loo dhacay baraha Twitter-ka ee shaqsiyaad ay kamid yihiin madaxweyne hore Barack Obama, maal-qabeen Bill Gates, iyo madaxa fulinta shirkaddaTesla, Elon Musk.

Mason Sheppard, 19-jir British ah, Nima Fazeli, 22-jir degan magaalada Orlando ee gobolka Florida, iyo Graham Clark, 17-jir ku dhaqan magaalada Tampa ee isla gobolkaas ayay kala yihiin eedeysaneyaasha.

Saddexdooda oo la filayo in la maxkamadeeyo ayaa waxay wajahayaan dacwad ku saabsan in ay ku kaceen falkaas dunida geliyey.

Shirkadda Twitter-ka oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa bogaadisay "talaabooyinka deg-dega ah ee lagu dhaqan-gelinayo sharciga".

Hay'adda Sirdoonka gudaha Mareykanka ee FBI ayaa xaqiijisay xariga laba kamid ah eedeysaneyaasha, wallow ay ka gaabsatay magacyadooda.

Illaa iyo haatan, lama ogga qaabka ay ugu suurtagashay in ay da'yartaan ku weeraraan ciwaanadaas ammaankooda la adkeeyo. Balse, fahfaahino waxay xusayaan in ay beegsadeen shaqaalaha shirkada.

Clark ayaa si gooni ah waxaa loogu haystaa in uu yahay shaqsiga ciwaanada qaar soo dhigay fariimaha dadweynaha looga dalbaday in ay soo diraan lacag tabarucaad ah, wallow kolkii dambe la masaxay.

Jabsadayaasha ayaa bartilmaameedsaday 130 ciwaan, iyagoo ku guuleystay in ay qoraalo soo dhigaan 45 kamid ah, fariimana ka diraan 36 kale isla markaana ku guuleystay in ay macluumaad kala baxaan todoba kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM

Obama: “Iran waxay maanta ka awood badan tahay sidii ay ahayd ka hor dagaalka”

Obama ayaa hadalkan ka jeediyay isu-soo-bax olole doorasho oo ka dhacay Cleveland, gobolka Ohio, Sabtidii.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:20AM