Saddex qof oo loo xirey dhacdada Austria

Image

28 August, 2015 (GO)-Booliska dalka Austria waxa ay sheegayaan in seddax qof  oo tuhmanayaal ah loo xirey  70kii mayadadka ahaa ee laga helay dalkaasi.

Afhayeen u hadlay booliska dalkaasi aya waxa uu sheegay in 59 rag ah sideed dumar ah iyo afar cunug oo mayd ah laga helay dalkaasi, waxayna dhammaantood u dhasheen dalka Suuriya.

Waxa uu tilmaamay in dadkan u dhinteen Naqaska oo ku xirmey iyo qabow, maadaama ay saarnaayeen gaari qaboojiye ah.
Waxa uu sheegay seddaxda qof ee laga shakisan yahay in laba ka mid ah ay u dhasheen dalka Hungary, waxaana lagu xirey dalka Austria.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Austria Johanna Mikl-Leitner waxa uu sheegay inaysan ku filneyn in dhacdada laga argagaxo oo keli ah, laakiin ay tahay in laga hortago dadka tahriibinta ka shaqeeya.

Arbacadii la soo dhaafey ayay ahayd markii 70 ruux oo meyd ah laga helay dalkaasi kuwaasi oo saarnaa gaari xamool ah oo looga tagey goob cidlo ah.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

 

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM