Saddex qof oo loo xirey dhacdada Austria

Image

28 August, 2015 (GO)-Booliska dalka Austria waxa ay sheegayaan in seddax qof  oo tuhmanayaal ah loo xirey  70kii mayadadka ahaa ee laga helay dalkaasi.

Afhayeen u hadlay booliska dalkaasi aya waxa uu sheegay in 59 rag ah sideed dumar ah iyo afar cunug oo mayd ah laga helay dalkaasi, waxayna dhammaantood u dhasheen dalka Suuriya.

Waxa uu tilmaamay in dadkan u dhinteen Naqaska oo ku xirmey iyo qabow, maadaama ay saarnaayeen gaari qaboojiye ah.
Waxa uu sheegay seddaxda qof ee laga shakisan yahay in laba ka mid ah ay u dhasheen dalka Hungary, waxaana lagu xirey dalka Austria.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Austria Johanna Mikl-Leitner waxa uu sheegay inaysan ku filneyn in dhacdada laga argagaxo oo keli ah, laakiin ay tahay in laga hortago dadka tahriibinta ka shaqeeya.

Arbacadii la soo dhaafey ayay ahayd markii 70 ruux oo meyd ah laga helay dalkaasi kuwaasi oo saarnaa gaari xamool ah oo looga tagey goob cidlo ah.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

 

Related Articles

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM