Sadex tilaabo oo aad isaga ilaalin karto Kaamiradaha qarsoon

Image

Dunida casriga ayaa waxaa kor usii kacaya adeegsiga Technologyada iyada oo taasi keentay in la isu adeegsado Comeradaha sida qarsoodiga ah wax u duuba.

Hadaba sida ugu fudud ee aad uga badbaadi karto in comeradaha qarsoodiga ah ay wax kaa duubaan ayaa ah:

1. Comeradaha wax duuba badankood waxaa ay bixiyaan dhalaal maadaama oo uu kujiro "Lences" sidaas darteed waxaad samayn kartaa hadii ay Hall ama qol tahay fadlan deni dhamaan nalalka kadib fiiri meel uu dhalaal kasoo baxayo meelahaas hubi waxaa ay yihiin.

2. Fur Wifi oo eeg qalabka uu hayo sababta oo ah inta badan Comeradaha qarsoon waxaa ay ku shaqeeyaan internet sidaas darteed waxaad ka arki kartaa wifi taleefankaaga waxa uu hayo hadii la damiyo Wifi in aysan shaqayn ayaa laga yaabaa.

3. Si gaar ah isaga hubi geesaha ama "Angles" ka qolka iyo goobaha nalka ama meesha la dhigo nalalka sariiraha geeskooda la dhigo.

Khubarada Technologyada ayaa walaac ka muujiya isticmaalka aan haboonayn ee duubista qarsoodiga ah taasi oo xiliyada qaar keenay in loo isticmaalo dad caan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM