Sadiq Khan ayaa ku horreeya doorashada Duqa magaalada London

Image

LONDON-Natiijooyinka hor u dhaca ee codadka la tiriyay ee doorashada duqa magaalada London waxay muujinayaan inuu ku guuleysan doono musharraxa xisbiga Shaqaalaha, Sadiq Khan, oo uu kaga adkaan doono ninka ay is hayaan ee xisbiga Muxaafidka Zac Goldsmith.

Haddii la xaqiijiyo saacadaha soo socda inuu guuleystay Mr Khan wuxuu noqonayaa qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee qabta xilkaasi. 

Waxaa halkaasi ku soo gabagabooyaya siddeed sano oo xilka duqa London ay hayeen xisbiga Muxaafidka. Codadka uu helo duqa magaalada London waa kuwa ugu badan ee hal qof uu helo dhammaan dadka ku jira siyaasadda Britain; doorashada Raiisul Wasaaraha waxay ku xiran tahay xisbiga ugu kuraasta badan baarlamaanka.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM