Sadiq Khan oo loo doortay duqa London

Image

Sadiq Khan oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ayaa loo doortay duqa caasimadda London, waxaana uu jagadaasi hayn doonaa afarta sano ee soo socota.

Waxaa halkaasi ku soo afjarmay 8 sano oo xilka duqa London uu hayay xisbiga Muxaafidka. Sadiq kama aanu mid ahayn musharraxiinta aadka loo hadal hayay, ee la saadaalinayay in ay jagadan ku guuleysan doonaan.

Waa Muslim-kii ugu horreeyay ee qabta xilka duqa London.

Sadiq oo 45 jir ah, ayaa ka mid ah 8 carruur ah oo ay dhaleen qoys kasoo guuray dalka Pakistan. Aabihii waxa uu ahaa darawal bas, hooyadiina waxa ay ka shaqeyn jirtay harqaan. 

Waxa uu ku dadaali jiray sidii uu heer uga gaari lahaa noolasha. Waa garyaqaan ka baxay kuliyada sharciga ee Jaamacadda North London. Waxa uu leeyahay xaas iyo laba gabdhood.

Duqa London ayaa leh awoodo siyaasadeed oo ballaaran, waxaana dadka qaar ay su’aal gelinayaan in Mr Khan uu howshaasi kasoo bixi karo. Balse waxa uu ku adkeysanayaa inuu matelayo dhammaan dadka London, isla markaana uu wax ka qaban doono sinnaan la'aanta.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM