Sadiq Khan oo loo doortay duqa London

Image

Sadiq Khan oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ayaa loo doortay duqa caasimadda London, waxaana uu jagadaasi hayn doonaa afarta sano ee soo socota.

Waxaa halkaasi ku soo afjarmay 8 sano oo xilka duqa London uu hayay xisbiga Muxaafidka. Sadiq kama aanu mid ahayn musharraxiinta aadka loo hadal hayay, ee la saadaalinayay in ay jagadan ku guuleysan doonaan.

Waa Muslim-kii ugu horreeyay ee qabta xilka duqa London.

Sadiq oo 45 jir ah, ayaa ka mid ah 8 carruur ah oo ay dhaleen qoys kasoo guuray dalka Pakistan. Aabihii waxa uu ahaa darawal bas, hooyadiina waxa ay ka shaqeyn jirtay harqaan. 

Waxa uu ku dadaali jiray sidii uu heer uga gaari lahaa noolasha. Waa garyaqaan ka baxay kuliyada sharciga ee Jaamacadda North London. Waxa uu leeyahay xaas iyo laba gabdhood.

Duqa London ayaa leh awoodo siyaasadeed oo ballaaran, waxaana dadka qaar ay su’aal gelinayaan in Mr Khan uu howshaasi kasoo bixi karo. Balse waxa uu ku adkeysanayaa inuu matelayo dhammaan dadka London, isla markaana uu wax ka qaban doono sinnaan la'aanta.

BBC

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM