Safaarad dalka Sweden leeyahay oo dab la qabad-siiyey

Image

(GO)- Taageerayaasha hogaamiyaha lagu magacaabo Muqtada Al-Sadr ee Ciraaq ayaa dab qabadsiiyey safaaradda Sweden ee Baqdaad, barqanimadii maanta oo Khamiis ah.

Dhacdadan ayaa imaaneysa kadib kulan ka dhacay afaafka hore ee safaarada Ciraaq ee ku taaalla dalka Sweden oo lugu damacsanaa in lagu gubo kitaabka Quraanka Kariimka ah.

Boqolaal dibadbaxayaal ah ayaa subaxnimadii hore ee saakay xoog ku galay dhismaha safaaradda Sweden ee magaalada Baqdaad. Qiic ayaa ka kacay dhismaha safaaradda waxaana ku hareeraysanaa banaanbaxyaasha, ka hor intaanay booliisku imaan.

Ilaa hadda ma cadda hadii uu qof ku sugnaa gudaha safaaradda markii la weeraray. Wasaaradda arrimaha dibadda Sweden ayaa dhankeeda sheegtay in shaqaalaha safaaradda ay nabad qabaan.

Xafiiska warfaafinta ee wasaaradda arrimaha dibadda Sweden ayaa sidoo kale sheegay in mas’uuliyiinta Ciraaq ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta xafiisyada iyo shaqaalaha dublamaasiyadda.

Dhankeeda wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq ayaa cambaareysay dhacdadii lagu gubay safaaradda Sweden, waxayna sheegtay in dowladdu ay fartay hay’adaha awoodda u leh inay baaritaan degdeg ah ku sameeyaan arrintan, waxayna carrabka ku adkeeysay in la qaado tallaabooyin oo lugula xisaabtamo dadka ku lugta leh falkaas.

Weerarka lagu qaaday safaaradsa Sweden ee Baqdaad ayaa yimid kadib markii Booliska Sweden ay ogolaadeen qabanqaabada kulan ka dhici lahaa afaafka hore ee safaarada Ciraaq ee magaalada Stockholm, halkaasi oo qofka qabanqaabiyey damacsanaa inuu gubo kitaabka qur’aanka kariimka ah iyo calanka Ciraaq maanta oo Khamiis ah.

28-kii bishii June, qaxooti Ciraaqi ah oo ku sugan Sweden ayaa sidoo kale bogag ka mid ah kitaabka Qur’aanka ku gubay afaafka hore ee masjidka ugu weyn magaalada Stockholm maalintii Ciidda Carafo. Tani waxay ku kaliftay taageerayaasha Al-Sadr inay xoog ku galaan safaaradda Sweden ee Baqdaad 29-kii June.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM