Safaaradda Maraykanka ee Uganda oo ka digtey weerarro argagixiso

Image

March 26, 2015 (GO)- Safaaradda Maraykanka ee dalka Uganda ayaa ka digtey weerarro argagixiso oo ka dhaca magaalo madaxda dalka Uganda ee Kampala, weerarradan oo suuragal ay tahay in lagu bartilmaameedsado dadka kasoo jeeda wadamada reer galbeedka.

War qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda waxaa lagu sheegay in la helay xog muujineysa weerarro la qorsheynayo in dhowaan lala beegsado goobaha dadka reer galbeedka ahi isugu yimaadaan sida hoteellada. Faah faahin intaas ka badan safaaraddu ma bixin.

July 11, 2010, qaraxyo ka dhacay labo goobood oo ku yaalla  Kampala laguna daawanayey ciyaaraha kubadda cagta ee Koobka Aduunka waxaa ku geeriyoodey 74 qof tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa ka soo gaaray. Mas'uuliyadda labadaas qarax waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab ee fadhigiisu yahay dalka Soomaaliya.

Dalka Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan askarioo qayb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Miwoga Africa uu ka wado Soomaaliya ee magaciisa loo soo gaabiyo AMISOM.

Bishii September ee lasoo dhaafay, dalka Uganda waxaa loo diidey inuu marti geliyo ciyaaraha caalamiga ah ee kubadda cricket-kaa, sababo ammaanka la xiriira dartood.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM