Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer
LONDON (Garowe Online) — Haweenay asalkeedu Soomaali yahay oo horay qaxooti ahaan ku tagtay dalka Britain ayaa ku guuleysatay doorasho kuraastii bannaanaatay ah oo ka dhacday degmada Holborn iyo St Pancras ee magaalada London, iyadoo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha (Labour).
Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga Cagaaran (Green Party), Zack Polanski, doorashadan oo ka dhalatay ka dib markii uu kursiga baarlamaanka iska casilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain, Keir Starmer.
Natiijada rasmiga ah ayaa muujisay in Sagal ay heshay 12,292 cod, taasoo u dhiganta boqolkiiba 45 codadkii la dhiibtay, halka Polanski uu galay kaalinta labaad isagoo helay 8,928 cod (boqolkiiba 33). Musharraxa Xisbiga Muxaafidka (Conservatives) ayaa galay kaalinta saddexaad, iyadoo ay ku xigeen xisbiyada Reform UK iyo Liberal Democrats.
Khudbad ay jeedisay guusha ka dib, xildhibaanadda cusub ayaa ballanqaadday inay u adeegi doonto dhammaan dadka deegaanka iyadoo aan loo eegin cidday u codeeyeen.
"Haddii aad ii codeysay iyo haddii kaleba, ballanqaadkayga ku aaddan bulshadan waa mid qoto dheer," ayay tiri Sagal. "Waxa aan ballanqaadayaa inaan maalin kasta u shaqeyn doono wax kasta oo aan awoodo si aan u hagaajiyo noloshaada iyo tan qoyskaaga."
Waxay intaas ku dartay: "Xilligan waxa uu ii leeyahay macno qoto dheer oo shakhsi ah, inaan matalo goobtii aniga iyo qoyskaygaba siisay hoy, fursad, isla markaana gacan ka geysatay qaabeynta qofka aan maanta ahay. Camden waxay i siisay bulsho, waxayna igu abuurtay aaminaad ku saabsan caddaaladda bulshada, sinnaanta, iyo xaqsoorka."
Guuldarrada Polanski ayaa ku soo beegantay xilli uu wajahayo cadaadis siyaasadeed iyo khilaaf xooggan oo xisbigiisa gudihiisa ka dhashay, ka dib markii xubnaha Xisbiga Cagaaran ay ansixiyeen mooshin Sahyooniyadda ku tilmaamaya cunsurinimo.
Go’aankaas ayaa horseeday in hoggaamiyaha kooxda Yuhuudda ee xisbiga (Jewish Greens), Vivien Lichtenstein, ay sheegto inay ka fikirayso inay isaga baxdo xisbiga. Sidoo kale, guddoomiyaha hay’adda Amnesty UK, Sandy Ruthven, ayaa ku dhawaaqay inuu xisbiga ka baxay, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay "dhammaadkii socdaalkayga."
Hoggaamiyihii hore ee Xisbiga Cagaaran, Caroline Lucas, oo ka hadlaysay barnaamijka Newsnight ee telefishinka BBC, ayaa ka gaabsatay inay si toos ah u dalbato in Polanski uu xilka ka dego, balse waxay ku dhaliishay qaabkii uu u maareeyay xiisadda.
"Waxa aan doonayaa inuu hadda ka hadlo wixii dhacay. Waxa aan doonayaa inuu muujiyo hoggaankii sida dhabta ah uga maqnaa maalintii Axadda," ayay tiri Lucas.