Salmaan bin Cabdulcasiis: Boqorka Sacuudiga oo qaliin lagu sameeyay

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Boqorka Sacuudiga, Salmaan bin Cabdulcasiis, ayaa lagu guuleystay qaliinkii looga sameeyay kaadi-hayste, sidda ay Khamiista maanta ah warisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Wakaalada wararka Sacuudiga ee SPA ayaa shaacisay in boqorka uu baaqi kusii ahaan doono isbitaalka uuna qaadanayo daawo dheeriya.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, qaliinka lagu sameeyay 84-sano jirkaan ayaa lagu guuleystay, waana mid xaaladiisa ay wanaagsan tahay.

Salmaan bin Cabdulcasiis ayaa hogaaminaya Sacuudiga oo ah dalka kaalinta koowaad kaga jira soo saarista Shidaalka tan iyo 2015-kii.

Sacuudiga ayaa xulafo dhow la ah Mareykanka oo ay iska kaashadaan sidii loo wiiqi lahaa awooda soo koreysa ee Jamhuuriyadda Iran.

Isniintii lasoo dhaafay ayay ahayd markii boqorka la dhigay Isbitaal ku yaala caasimadda Riyadh, halkaas uu ka gudoomiyey shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda, iyaddoo uu dhinac fadhiyo wiilkiisa Maxamed.

Maxamed bin Salmaan ayaa ah dhaxal-sugaha boqorka Sacuudi Carabiya, wallow durba ay soo ifbaxayaan dhaleeceymo loo jeedinayo.

Eedeymaha hareeyay mudada uu yahay dhaxal-sugaha ayaa waxaa kamid ah beegsashadda mucaaradkiisa siyaasadda oo uu kamid ahaa Jamal Khashoggi, oo ah wariye lagu dhex-dilay qunsulyadda Sacuudiga ee Istanbul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM

Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 06:27AM