Salva kiir oo saxiixay hishiis

Image

26 August, 2015 (GO)- Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir ayaa maanta oo Arbaco ah Qalinka ku duugey hishiis dhexmaraya isaga ninka muhaaradka ah ee ku dagaalamayaan dalkaasi Riek Machar.

Munaasibad ay goob joog ka ahaayeen hogaamiyaasha Africa qeybtood sida Uganda, Kenya iyo Ethiopia ayaa hishiiskaasi ka dhacay.

Riek Machar ayaa isagu hishiiskan ku soo saxiixay Caasumadda Ethiopia asbuucii la soo dhaafey.

QM ayaa horey ugu goodisay hadii uu hishiiskan saxiixi waayo Kiir inay dusha ka saari doonaa Cunaqabateyn, halka hogaamiyaasha Africa laftoodu arintaasi ku cadaadinayeen.

Khilaafka labada hogaamiye ayaa soo bilowdey December 2013,waxaan ku dhintey in ka badan 1.6 million oo ruux.

Hishiiska manta ee ka dhacay Casumadda South Sudan ee Jubba waxaa soo dhaweeyay dadka ka soo jeeda dalkaasi, hogaamiyaasha Africa iyo beesha Caalamka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM