Salwan Momika oo ahaa Ninkii gubay Kitaabka Quraanka oo lagu dilay Sweden 

Image

SWEDEN - Salwan Momika, oo 38 sano jir ka yimid Ciraaq, ayaa lagu dilay guri uu ku noolaa magaaladda Södertälje ee dalka Sweden, sida ay warbaahinta dowladda dalkaas ay sheegtay Khamiistii Maanta ah.

“Ninka ayaa laga helay meydkiisa guri ku yaal Hovsjo, Södertälje, galabtii Arbacada … Waa Salwan Momika, oo u dhintay dhaawacyo rasaas lagu toogtay,” ayaa lagu sheegay warbixin ay baahisay warbaahinta SVT.

Baaritaan ayaa socda, waxaana weli ay booliiska xaqiijin dhimashadiisa. Afhayeen u hadlay booliiska Stockholm, Daniel Wikdahl, ayaa sheegay in hal qof oo lala xiriirinayo dilkaasi la xiray si loo weydiiyo su’aalo dheeraad ah.

Salwan Momika ayaa caanka ku noqday inuu laba jeer gubay kitaabka Qur’aanka Kariimka, markii ugu horeysay isaga oo muujinaya nacaybka uu u hayo Islaamka.

Wuxuu ku gubey kitaabka bannaanka masjid ku yaal Stockholm iyo safaaradda Ciraaq ee Stockholm. Sweden ayaa oggolaansho siisay labada jeer uu gubey Kitaabka, iyadoo sheegtay inay ka mid yihiin xorriyadda hadalka.

Arintaan ayaa dhalisay carada Muslimiinta, iyadoo banaanbaxyo looga soo horjeedo ay ka dhaceen Ciraaq iyo dalal kale oo Muslimiin ah. Dibadbaxyo ayaa ka dhacay safaaradda Sweden ee magaalada Baqdaad, Ciraaq 2023, waxaana dowladda Ciraaq ay ku dhawaaqday in ay iskaga eriday safiirkii Sweden.

Salwan Momika oo Kirishtaan Iraq ka yimid ahaa, ayaa la sheegay in la dilay isagoo Live ka ah Tiktok, waxaana la ogeyn illaa hadda cida dishay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM