​Sannad guurada weerarkii Gaarisa oo la xusay

Image

Ardayda wax ka barata Jaamacadda Gaarisa dalka Keyna,  ayaa  maant xus u samaysay sannad guurada koowaad ee ka soo wareegtay weerarkii argagixiso ee lagu dilay 148 kamid ah ardayda jaamcadaasi. 

Xuskan oo la sheegay in ardaydu ku ku xasuusanaysay geeridii ku timi walaahoodi wax la barayay ayay kuu muujiyeen siday ugu xunyihiin falkaasi oo sannad jirsaday. 

Saraakiisha dawladda ayaa sheegay inay ka qeyb galeen xuska tacsi oo dadkii dhintay loo dhigay, iyaga oo la kulmaya dhaleecayn ku saabsan in kaalintoodu ay yareyd, maalmihii weerarka xigay. 

Howlgalkii lagu soo gaba gabaynayay weerarkii Gaarisa ayaa qaaday in kabadan 16 saacadood, waxaana mas'uuliyadda falkaasi lahaa kooxda Shabaab. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM