Sarkaal Ameerikan ah lana shaqeynayey AMISOM oo la xiray

Image

ANKARA, Turkey – Ciidamada booliska Turkiga ayaa gacanta ku dhigay sarkaal Ameerikaan ah kaasoo la shaqeynayey Howlgalka Midowga Afrika AMISOM, sidda uu daaha ka rogay wargeyska afka dheer ee Daily Sabaax.

Mark John Xenakes oo kasoo jeeda gobolka Pennsylvania ee Mareykanka ayaa loo haystay in aag aan la ogoleyn uu diyaarad drones ah ku kiciyey.

Xenakes oo la xiray Axadii wuxuu u sheegay baareyaasha in uu la socon xaalada meesha uu diyaarada ku duuliyey. Wararka warbaahinta warineyso waxay isku khilaafayaan tafaasiisha goobta lagu qabtay ninkan.

Warbixino qaar waxay ku sheegayaan in ay tahay aag ciidan, halka kuwa kalena ay ka gaabsadeen taasoo ka dhigan in aan la ogeyn sababta dhabta ah ee aagaas looga mamnuucay in dadka ku duuliyo drones-yada.

La-tuhunsanaha ayaa u sheegay booliska in uu la shaqeeyo shirkad duulimaadka qaabilsan taasoo qandaraas ka haysata ciidamada Mareykanka. Ciwaanadiisa baraha bulshadda waxay soo bandhigeen xogo dheeri ah.

Shirkadda UAV oo la shaqeysa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya – AMISOM – ayuu ka yahay sarkaal dhanka isgaarsiinta ah.

Eedeysanaha oo Turkiga soo galay 21-kii September ayaa sidoo kale wuxuu u sheegay ciidamadda in uu muuqaalo la duubayey ceelasha taarikhiga ah ee ku yaala degmadda Sur ee ka tirsan magaalada Diyarbakır.

Saxaafadda ayaa ku warameysa in Xenakes uu xorriyadiisa dib u helay Axadii kadib markii lagu amray in uu bixiyo ganaax lacageed oo aan la shaacin balse lagu qeexay in ay tahay "mid maamulka uu soo go'aamiyey".

Duuliyeyaasha drones-ka ee ogolaanshiyo la'aanta kiciyo qalabkooda ayaa inta badan waxaa lagu ganaaxaa $1,159, iyaddoo loo cuskanayo in ay khatar ku yihiin ammaanka dadweynaha gaar ahaan diyaaradaha rakaabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM