Sarkaal Boliiska Kenya katirsan oo Lamu lagu dilay

Image

26 December, 2015(GO)-Weerar loo adeegsaday Bomb lagu aasay waddo dhinaceed ayaa lagu dilay sarkaal katirsan ciidanka Booliiska Kenya, labo kalena waa lagu dhaawacay, sida ay xaqiijiyeen ururka Al-Shabaab iyo saraakiisha amniga Kenya.

Falkan ayaa ka dhacay deegan xeebeedka Lamu, waxaana fuliyay mallayshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab.

Afhayeen u hadlay kooxdaasi oo lagu magacaabo Sheekh Cabdulcasiis Abu Muscab ayaa Wakaaladda wararka Reutres u sheegay inay weerareen ciidanka oo ku sii jeeday Lamu, wuxuuna tilmaamay inay dhinteen tiro katirsan ciidanka, kadib markii miinadu qaraxday rasaasna la isweydaarsaday.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM