Sarkaal Falastiini ah oo lagu dilay gudaha Lubnaan

Image

(GO)- 6 qof ayaa ku geeriyooday tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib iska hor imaadyo kooxaha falastiiniyiinta ku dhex maraya xerada qaxootiga ee, "Caynu Al-Xuluw" ee dalka Lubnaan.

Xeradaan oo ku taala koonfurta dalka Lubnaan ayaa waxaa ka dhisan kooxo Falastiiniyiin ah oo hubeysan iyaga oo ku dhex dagaalamay gudaha xerada.

Sarkaal falastiini ah ayaa ku jira dadka dhintay iyada oo sidoo kale ciidamada Lubnaan uu hal sarkaal kaga dhaawacmay.

Ciidamada Lubnaan ayaan gudaha u gelin xeryaha ay Falastiiniyiintu ku jiraan xiliyada ay dagaaladu ka dhex socdaan iyaga oo u daaya amniga kooxo Falastiiniyiin hubeysan oo halkaasi amnigooda suga.

Qaramada midoobay ayaa diiwaan-gelisay in Lubnaan ay ku sugan yihiin qaxooti Falastiiniyiin ah oo gaaraya 450 kun oo qof.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM