Sarkaal xukun culus loogu riday dilkii George Floyd

Image

WASHINGTON, USA – Sarkaalka caddaanka ah kana tirsanaa booliska Mareykanka ee lagu helay in George Floyd, nin madow Ameerikaanka, uu ku dilay magaalada Minneapolis bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay 2020 ayaa waxaa lagu xukumay 22 sano iyo lix bilood oo xabsi ah.

Garsooraha ayaa sheegay in xukunka Derek Chauvin uu salka ku hayo "xadgudubka aad u geysato doorka aaminaada iyo awooda ciidanka, iyo waliba naxariis darada gaarka ah ee loo muujiyay" Mr Floyd.

Mr Floyd oo 48 jir ahaa ayaa, sida uu muujiyey muuqaal laga duubay, wuxuu dhintay kadib markii Chauvin uu jilibkiisa uga qabtey qoorta kuna haayey dhulka muddo ku suntaneyd sagaal daqiiqo.

Geeridiisa ayaa waxay dhabaha u xaartey mudaaharaadyo ka dhacay meelo kala duwan oo dunida ah oo looga soo horjeeday cunsuriyadda iyo naxariis darada booliska waddanka Mareykanka.

Chauvin oo 45 jir ah ayaa lagu helay dambi ah dil heer labaad iyo eedeymo kale bishii hore. Intii ay socotay maxkamadeyntiisa, qareenkiisa wuxuu dilka ku tilmaamay "qalad si niyad samaan ah loo sameeyay".

Xukunsanaha ayaa sidoo kale loo sheegay inuu iska diiwaan geliyo inuu yahay dambiile waxaana laga mamnuucay inuu yeesho qoryo noloshiisa oo dhan.

Isaga iyo seddex sarkaal oo kale oo hore ayaa si gooni ah loogu soo oogay dacwad ah inay ku xadgudbeen xuquuqda madaniga ah ee George Floyd, waxaana si kama dambeys ah looga joojiyey kamid ahaanshiyaha booliska Minneapolis oo dib-u-habeyn ballaaran lagu sameynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM