Saudi Arabia oo joojisey duulimaadyadda caalamiga ah

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqdey in ay joojisay duulimaadyadda caalamiga ah sababo la xiriira safmareenka Coronavirus, sidda ay warisay warbaahinta maxalliga ah.

Sidda laga soo xigtay warbixinadda, xukuumadda Riyadh ayaa sidoo kale waxay hakisay socdaaladda badda iyo bariga muddo todobaad ah iyadda oo lasii kordhin karo haddii loo baahdo.

Boqortooyadda ayaa si lamid ah waxay fartey rakaabka ka yimid Yurub ama dal kasta in ay waajib tahay in ay karantiil galaan mudda asbuuc ah taasoo ay wehliso tijaabo iyo kormeer.

Go'aankan, sidda ay macluumaadka muujinayaan, wuxuu saameynayaa dadka Sacuudi Carabiya galay laga bilaabo 8-da December ee sanadkan 2020.

"Duulimaadyadda waqti xaadirkan ku sugan Boqortooyadda Sacuudi Carabiya waxaa loo ogolaan doonaa in ay ambabaxaan," ayuu yiri qof si dhow ula socda xaalada oo la hadlay Al Jazeera.

Xayiraadaha cusub ee Sacuudiga soo rogay ayaa kusoo hagaagaya xilli laga cabsi qabo in Covid-19 soo laba-kacleeyo kahor bilashasha sanadka cusyb ee 2021 iyo dabaaldega Ciida Masiixiyiinta.

Sacuudiga ayaa kala siman dowladaha caalamka talaabooyin ay uga sii baaraan-degayaa khatartaas laga cabsi qabo, wallow lasoo saareh talaal la sheegay in uu si wax ku ool ah uga horgagyo Covis19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM