Saxafi caan ah oo ka badbaadey isku-day khaarijin ah

Image
Wariyaha ayaa isbitaal loola cararay si looga daaweyo dhaawacyo culus oo soo gaarey.

POR-AU-PRINCE, Haiti - Wariye caan ah oo u dhashay dalka Haiti ayaa ka badbaaday isku day dil oo lagu rasaaseeyay gaarigiisa xili uu ku sii jeeday goobtiisa shaqo ee magaalada caasimada ah ee Port-au-Prince Talaadadii, sida ay saraakiisha ammaanka sheegeen.

Roberson Alphonse, oo ka shaqeeya wargeyska maalinlaha ah ee Le Nouvelliste iyo raadiyaha Magik9, ayaa isbitaal loo dhigay dhaawacyo soo gaarey, sida uu sheegay Frantz Duval, tafatiraha guud ee labada warbaahin.

Dhacdadan ayaa muujinaysa xaaladda ammaan ee sii xumaanaysa ee waddan ay ragaadiyeen rabshado. Wasaaradda Dhaqanka iyo Isgaarsiinta ee Haiti ayaa sheegtay in ay “si argagax leh u ogaatay warka isku dayga dilka ah” ee ka dhacay xaafadda Delmas.

"Dadaalka uu ku bixiyey in uu ahaado mid dhexdhexaad ah, iyo dareenkiisa qummanaanta ayaa ka dhigaya mid ku dayasho mudan dhanka xirfadda," ayay wasaaraddu ku tiri hadal ay soo saartay.

Weerarka Alphonse ayaa imaanaya todobaadyo un kadib markii hogaamiyayaasha Haiti ay codsadeen in si deg deg ah loogu soo diro ciidamo amni oo ajnabi ah iyadoo wadanku uu wajahayo qalalaase aan horay loo arag.

Sidoo kale Talaadadii, mas’uuliyiintu waxay heleen meydka weriye kale oo la la’aa dhowr maalmood. Weeraradan ayaa imaanaya in ka badan hal bil ka dib markii labo wariyesi xun loo toogtay kadibna meydkooda dab la qabadsiiyay.

Saxafiyiinta oo lagu kala magacaabayey Tayson Latigue iyo Frantzsen Charles  ayaa la beegsadey xilli ay ka warbixinayeen xaafadaha isku raranka ah ee ay gacanta ku hayaan kooxo burcad ah. Dowladda ayaa si xooggan waxay u cambaareysay falkan "wuxushnimadda ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM