Saynisyahan 9-maalmood ka hor saadaaliyay dhul gariirkii Taiwan

Image
Saynisyahannadu waxay ku adkaysanayaan in aanay la saadaalin karin dhulgariirrada.

Amsterdam (GO) - Saynisyahan u dhashay dalka Holland Frank Hogrebets ayaa qoraal uu maalmo ka hor ku qoray boggiisa X, ku sheegay inuu filayo dhul gariir weyn, kaas oo maalintii Isniinta ku dhuftay Taiwan oo gaaray 7.4 magnitude marka loo eego cabirka Richter. Waxaana ka dhashay dhimashada 9 qof & dhaawaca tobaneeyo.

Hogrebets ayaa 9 maalmood ka hor ku guuleystay in uu sadaaliyo goorta uu dhici doono dhul gariirka oo ku tilmaamay mid weyn oo markii dambe ka dhacay Taiwan.

Hogrebetz ayaa hore muran u dhaliyay markii uu ka digay suurtagalnimada dhulgariir khasaare baaxad leh gaysan kara, kaas oo 6-dii February ku dhuftay Turkiga, kuna dhinteen in ka badan 50,000 oo qof, tobanaan kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale, saynisyahannadu waxay ku adkaysanayaan in aanay gabi ahaanba suurtogal ahayn in la saadaaliyo dhacdooyinka dhulgariirrada goorta ay dhacayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM