Senatar Faransiis ah oo daroogo ku daray galaas ay cabeysay xildhibaanad

Image

PARIS (GO) - Senatar Faransiis ah ayaa lagu eedeeyay inuu kaniini daroogo ah cabitaan uga daray xubin kale oo ka mid ah aqalka sare ee dalkaas, iyada oo ujeedadu tahay in uu kufsado ama faraxumeeyo, sida uu sheegay xafiiska dacwad oogaha Paris.

Joel Guereau, oo 66 jir ah, oo matala gobolka Loire-Atlantique ee galbeedka Faransiiska, ayaa la xiray 48 saacadood, waxaana la laalay xubinimadii xisbigiisa.

Waxaa looga shakisan yahay inuu maandooriyaha loo yaqaan "Ecstasy" uu ku daray galaas caabitaan ah uu u soo bandhigay xildhibaan “Sandrine Gussou”,

Xildhibaan Sandrine Gussou ayaa goobta isaga tagtay ka dib markii ay xanuun dareentay, sida ay sheegtay warbaahinta Faransiiska.

Qareenka Guerio ayaa sheegay in uusan damacsanayn in uu maanduuriyo Sandrine Gussou si uu uga faa’iiseysto, isaga oo raali galin ka bixiyay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM