Senatar Faransiis ah oo daroogo ku daray galaas ay cabeysay xildhibaanad

Image

PARIS (GO) - Senatar Faransiis ah ayaa lagu eedeeyay inuu kaniini daroogo ah cabitaan uga daray xubin kale oo ka mid ah aqalka sare ee dalkaas, iyada oo ujeedadu tahay in uu kufsado ama faraxumeeyo, sida uu sheegay xafiiska dacwad oogaha Paris.

Joel Guereau, oo 66 jir ah, oo matala gobolka Loire-Atlantique ee galbeedka Faransiiska, ayaa la xiray 48 saacadood, waxaana la laalay xubinimadii xisbigiisa.

Waxaa looga shakisan yahay inuu maandooriyaha loo yaqaan "Ecstasy" uu ku daray galaas caabitaan ah uu u soo bandhigay xildhibaan “Sandrine Gussou”,

Xildhibaan Sandrine Gussou ayaa goobta isaga tagtay ka dib markii ay xanuun dareentay, sida ay sheegtay warbaahinta Faransiiska.

Qareenka Guerio ayaa sheegay in uusan damacsanayn in uu maanduuriyo Sandrine Gussou si uu uga faa’iiseysto, isaga oo raali galin ka bixiyay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM