Senate-ka oo muddeeyay xil ka xayuubinta Donald Trump

Image

WASHINGTON, USA – Aqalka Sare ee baarlamaanka Mareykanka ayaa bisha soo aadan dardargelinaya xil ka xayuubinta markii labaad ee madaxweynihii hore, Donald Trump, kaasoo loo haysto kicin dadwayne.

Afhayeenka Aqalka Hosoe, Nancy Pelosi, ayaa xustey in ay in Isniinta todobaadkan ay Senate-ka u gudbin doonto qodobada xil ka qaadista.

Pelosi oo u ololayneysa mooshinka ayaa warqad ay u dirtay xubnaha golaha kala tirsan ayaa aaminsan in ay "maalin barakeysan noqon doonto gudbinta qodobada ay u cuskanayaan xil ka qaadista Donald Trump.

Hogaamiyaha Senate-ka Chuck Schumer oo dimuqraadi ah ayaa Jimcadii golaha u sheegay "qalad ma sameyneyno, maxkamadeynta waxay noqon doontaa mid lagu caddeynayo hadii madaxweynuhu dambi galay".

"Dhageysiga dacwadda waxay noqon doontaa mid cadaalad ah. Gabi ahaanba, waxay nodoneysaa mid hufan," ayuu tibaaxay.

Warbaahinta maxaliga ah ee Mareykanka ayaa ku warantay in Senate-ka uu dacwadda dhageysan doono 8-da Febrayo, 2021.

Golaha Wakiiladda ayaa 13-kii Janaayo waxay markii labaad u coddeeyeen xil ka qaadista Trump; 232 waxay ogolaatay in jagadda laga qaado, halka ay kasoo horjeesteen 197 oo Jamhuuriyiinta kamid ahaa.

Kumanaan kamid ah taageereyaasha Trump oo 6-dii Janaayo isugu soo baxay Washington DC si ay uga qeybqaataan isu soo bax madaxweynihii hore kula hadlayye. Kadib waxay weerareen xarunta Capitol-ka.

Dhismaha Capitol-ka waxaa degan baarlamaanka Mareykanka oo waqtigaas ka doodayey ansixinta guusha Joe Biden ka gaarey Trump. Weerarkaas waxaa ka dhashay geerida 5 qof uu kamid yahay sarkaal boolis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM