Senator Mareykan ah oo lagu helay inuu “shaqaale u ahaa” dowlad ajnabi ah

Image
Bob Menendez ayaa sidoo kale waxaa ku cadaatay inuu qaatay laalush lacag cadaan ah iyo gaari.

MUQDISHO, Soomaaliya - Senator u dhashay Mareykanka oo lagu magacaabo Bob Menendez ayaa Talaadadii lagu helay dhammaan eedeymaha lagu soo oogay oo ah dacwad musuqmaasuq.

Eedaha lagu helay waxaa ku jira inuu laaluusho dahab ah iyo lacag ka qaatay saddex ganacsade oo New Jersey ah iyo inuu wakiil shisheeye u ahaa dowladda Masar.

Xukunka xeerbeegtida ayaa daba socday dacwad socday sagaal todobaad oo dacwad oogayaasha ay ku sheegeen in mudanaha  uu ku takri falay awooda xafiiskiisa si uu xulafadiisa uga ilaaliyo dambiyada iyo inuu ka tayeeyo saaxiibadiisa, oo ay ku jirto xaaskiisa, iyada oo loo marayo falal ay ka mid yihiin la kulanka saraakiisha sirdoonka Masar iyo caawinta dalkaas malaayiin doolar oo ah gargaarka milatariga Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM