Shacabka Gaza oo wajahaya macaluul ba’an – UNICEF oo digniin culus dirtay
Gaza – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta (UNICEF) ayaa ku dhawaaqday in Gaza ay wajahayo halis dhab ah oo macaluul ah, iyadoo qof saddexdii qofba hal qof uu maalmo badan la’aado wax cunto ah.
UNICEF ayaa Jimcihii ku boorisay beesha caalamka inay si degdeg ah u dhaqaaqdo, maadaama xaaladda bani’aadannimo ee Gaza ay si xawli ah u sii xumaaneyso, sababo la xiriira waxa ay hay’addu ku sheegtay dagaalka xasuuqa ah ee Israa’iil.
“Maanta, in ka badan 320,000 oo carruur yaryar ah ayaa halis ugu jira nafaqo-xumo daran,” ayuu yiri Ted Chaiban, ku-xigeenka agaasimaha guud ee UNICEF u qaabilsan gargaarka bani’aadannimo iyo howlaha sahayda, isagoo hadalkan ka jeediyay kadib safar uu ku tagay Israa’iil, Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto.
Chaiban wuxuu sheegay in tilmaamayaasha nafaqo-xumada ee Gaza ay hadda kor u dhaafeen heerka loogu yeero macaluul.
“Maanta, waxaan rabaa in diiradda la saaro Gaza, waayo halkaas ayaa dhibaatada ugu daran ka jirta, waxaana carruurta ku dhimanayaan si aan hore loo arag,” ayuu raaciyay. “Waxaan joognaa meel laba wado ah laga kala dooran karo – go’aanada hadda la qaato waxay go’aamin doonaan haddii kumannaan carruur ah ay noolaan doonaan ama ay dhiman doonaan.”
Carruurta si toos ah uga dhimanaya gaajo
Sabtidii, Atef Abu Khater, oo ahaa wiil Falastiini ah oo 17 jir ah, ayaa u geeriyooday gaajo iyo nafaqo-darro, sida uu u xaqiijiyay ilo caafimaad oo ka tirsan Isbitaalka al-Shifa ee Gaza, warbixin uu helay Al Jazeera.
Wararka ayaa sheegaya in Khater uu ahaa wiil caafimaadkiisu wanaagsan yahay ka hor dagaalka, balse uu dhawaan la seexiyay qaybta daryeelka degdegga ah, iyadoo aabbihiis uu sheegay in wiilkiisu uusan waxba ka falcelin daaweynta.
Tan iyo Oktoobar 7, 2023, dagaalka Israa’iil ee Gaza wuxuu sababay in ka badan 60,000 oo Falastiiniyiin ah oo la dilo, iyadoo in ka badan 18,000 oo ka mid ah ay yihiin carruur. Kumannaan kale ayaa weli ku hoos jira burburka dhismayaasha, kuwaas oo badankood loo maleynayo in ay dhinteen.
Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in tirada dadka u dhintay gaajo ay hadda gaarayso 162 qof, oo ay ku jiraan 92 carruur ah.
UNICEF ayaa mar kale ku celisay in Gaza ay gashay heer ka sarreeya xadka caalamiga ah ee loogu yeero macaluul, iyadoo boqollaal kun oo carruur ah ay halis ugu jiraan dhimasho.
GAROWE ONLINE