Shacabka Mandheera oo ka dibad-baxay dadka la laayay

Image

28 December, 2015(GO)-Boqolaal katirsan shacabka ku nool magalada Mandheera gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa dibad-bax rabshado wata ka dhigay magalada kadib markii ciidamada Millateriga dalkaasi dileen labo ruux oo shacab ah shan kalena dhaawaceen.

Dadka dibad baxa dhigay ayaa ku dhawaaqayay eroyo ka dhan ah ciidankaasi, waxayna sheegeen in si bareer ah u dileen dad rakaab ah.

Millateriga dalkaasi ayaa falkan ka hadley waxayna sheegeen inay u maleeyeen mallayshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab islamarkaana gaariga moodeen inu wado qarax.

Balse, gudoomiyaha degmada Mandheera Cali Roba oo hadlay ayaa ciidamada falkan gaystay ku dhaliilay tallaabada ay qaadeen, wuxuuna cadeeyay dhibanayaashu inaysan ahayn Al-Shabaab gaarigana uusan sidin qarax maadama sida hadalka u dhigay isagu goobta tagay.

Tallaabadan ayaa dadka banaan baxaya qaybtood u fasirteen inay aargoosi u tahay tiro katirsan Boliiska Kenya oo siyaabo kala duwan Shabaab ugu dileen xadka dalkaasi uu la wadaago Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM