Shakhsiyaad weeraro damacsanaa Belgium oo la xiray

Image

29 December, 2015(GO)-Labo qof  ayaa Booliiska dalka Belgium ku xireen magaalada Brussels kadib markii ay ku tuhmeen weerar ay ku qaadaan dalkaas iyagoo bartilmaameedsanaya xalfaddaha sanadka cusub.

Dadkan ayaa lagu soo qabtay howl gallo baahsan oo ciidanka Boliiska dalkaasi ka fuliyeen xarunta dalkaasi, waxaana socda baaritaanno dheere oo dalka dhan lagu samaynayo.

Belgium ayaa gashay feejignaan xooggan, waxayna ka cabsi qabtaa weeraro argagixisadu ka gaystaan dalkeeda tan iyo markii 13 November lag qarxiyay magalada Parisa xarunta France.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii ku lugta lahaa qaraxaasi ayaa loo malaynayaa in ay saldhig u ahayd Belgium.

Dadkan la tuhunsanyahay ayaa lagu eedeeyay in ay weerar ku qaadi rabeen bartilmaameedyo muhiim ah oo ku yaala magaalada Brussels iyo booliiska sida ay baahisay warbaahinta Belgium ee RTBF.

Baaritaanada yaa Booliisku ku qabteen dhar millitari iyo waxyaabo borobogaandada loo adeegsado, laakiin lama helin hub ama waxyaabaha qarxa.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Laba Xildhibaan iyo Xaasaskooda oo Lagu Toogtay dalka Mareykanka

Amar ah “guryaha ku nagaada” ayaa la soo saaray waaberigii hore ee Sabtida si loo ilaaliyo ammaanka shacabka.

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 05:07PM

Erdogan iyo Bin Salman oo Khadka Taleefanka kaga Wada Hadlay Xiisadda u Dhaxeysa Israel iyo Iran

Erdogan wuxuu si gaar ah u xusay in Israel la joojiyo tahay-na tallaabada keliya ee lagu….

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 04:46PM