Shan boqol qof oo ku dhintey Ingiriiska iyagoo sugaya ambalaas

Image
Natiijooyinka ayaa yimid iyadoo ay jirto xiisad ballaaran oo ka jirta nidaamka daryeelka caafimaadka UK.

LONDON, Britain - Macluumaad cusub oo la daabacay ayaa daaha ka qaaday in ka badan 500 oo qof ay ugu dhinteen gudaha boqortooyadda England sannadkii hore ka dib markii ay muddo dheer sugeen ambalaas.

Tirada bukaannada sugaya saacad ka badan ambalaasta ayaa si aad ah u korodhay marka dib loo eego isla markaana la isku-barbar-dhigo labadii sano ee ina weedaaratay.

Sidda laga soo xigtey warbaahinta laga leeyahay Turkiga ee TRT World oo soo xiganaysa illo dhanka caafimaada, farqi aad u weyn ayaa u dhaxeeya is-barbar-dhigga intii u dhaxeysa 2021 illaa 2022.

Tusaale ahaan, sanadkii 2021 waxaa la diiwaan-geliyey in ay mushkiladan u geeriyoodeen 16,143 bukaano ah, halka xagaagii 2022-dii ay u naf-waayeen 19,270 bukaano ah.

Natiijooyinka ayaa yimid iyadoo ay jirto xiisad ballaaran oo ka jirta nidaamka daryeelka caafimaadka UK. Isbitaallada ayaa la halgamaya sidii ay ula qabsan lahaayeen baahida sii kordheysa iyo hoos-u-dhaca shaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM