Shantii weerar ugu waynaa ee ka dhacay Turkiga tan iyo 2017

Image
Kadib qaraxii Istanbul ka dhacay Axadii shalay ahayd, dib-u-milicso dhacdooyinkan noocaan ah ee lixdii sano ugu dambeysay.

ANKARA, Turkey - Booliska Turkiga ayaa Isniinta maanta ah 46 ruux u xiray weerarkii ka dhacay bartamaha Istanbul ee ay ku dhinteen ugu yaraan 6 qof 81 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay booliska.

Wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu oo saxafiyiinta la hadlay Isniinta maanta ah ayaa wuxuu shaaciyey in dadka la tuhunsan yahay uu ku jiro "qofkii dhigay bamka sababay qaraxa".

Ciidamada ammaanka Turkiga ayaa isla maanta waxay soo bandhigeen Ahlam Albashir oo u dhalatay Suuriya taasoo ay sheegeen in ay ka dambeysay weerarkii ka dhacay magaalada Istanbul.

Hadaba, waxaan halkan hoose kusoo koobaynaa shantii weerar ugu dambeeyay uguna dhimashada badnaa ee ka dhacay guud ahaan waddanka Turkiga oo ay Soomaalida ku badan yihiin.

January 2017: Ugu yaraan 39 qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday goob lagu caweeyo oo dad badan ku sugnaayeen oo ku taalla magaalada Istanbul.

January 2017: Qarax ka dhacay bannaanka hore ee maxkamad ku taalla magaalada Izmir ee dalka Turkiga ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan labo qof oo uu ku jiro sarkaal booliis ah, waxaana ku dhaawacmay tiro kale, sida uu sheegay guddoomiyaha magaaladaasi.

Luulyo 2019: Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay qarax baabuur oo ka dhacay magaalada Reyhanli ee koonfurta Turkiga, oo ku taal meel u dhow xudduudda Suuriya.

Sebtembar 2019: Todobo qof ayaa ku dhintay 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen koonfurta bari ee gobolka Diyarbakir ee dalka Turkiga kadib markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay wado uu ka dhacay gaari ay saarnaayeen dadka tuulada.

Noofambar 2022: Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay toban kalena way ku dhaawacmeen Axadii, Noofambar 13 ka dib markii qarax uu ka dhacay waddo mashquul badan oo ku taal badhtamaha Istanbul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM