Shaqsi 10-sano loogu xukumay in uu dhaliilay dowladiisa

Image

ABU DHABI, UAE – Maxkamad ku taala Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa 10-sano oo xabsi ah waxay ku xukuntay muwaadin u dhashay Jordan kaas oo lagu eedeeyay in uu dhaleeceeyay dowladiisa, sidda ay ku warantay Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch [HRW].

Axmed Etoum oo ah 46-sano jir degan waddanka Imaaraadka Carabta ayaa xukunka lagu ridday bishii October, 2020.

Sidda ay sheegtay HRW, waxaa loo maxkamadeeyay "qoraalo dhaliil nabdoon oo uu Facebook u mariyey qoyska boqortooyadda Urdun iyo xukuumadda taladda haysa".

Sidda ku xusan qoraalka HRW, maxkamadda ayaa sheegtay in ay ku heshay Axmed Etoum in uu ku kacay "fal-dambiyeed ka dhan ah dowlad shisheeye taas oo waxyeeleyn karo xiriirka siyaasadeed khatartna gelinaya ammaanka heer qaran ee gudaha dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta".

Etoum oo isaga oo ay wehliso xaaskiisa iyo laba caruur oo uu dhalay ku nool Abu Dhabi shantii sano ee lasoo dhaafay ayaa ah Barre Iskuul.

Bartiisa gaarka ah ee mareegta Facebook oo ay ku xiran yihiin in ka badan afar kun ruux wuxuu ku cabiraa fekerkiisa ku aadan xaaladaha ka oogan waddankiisa oo qalalaasaha dhaqaalaha uu yahay mid kasii daraya.

Ugu dambeyntii, HRW ayaa ugu baaqdey Imaaraadka Carabta in ay si deg-deg ah uga laabato xukunka ay ku ridday Axmed Etoum "kaas oo xadgudub iyo meel ka dhac ku ah xuquuqda uu qofka shaqsi ahaan u leeyahay in uu oraahdiisa kusoo bandhigo meesha uu doono waqtiga uu ku talagalo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ilhan Omar oo u mahadcelisay taageerayaasheeda kaddib baaritaan lagu sameeyay gurigeeda

Ilhaan Cumar ayaa muddo dheer ka mid ahayd dadka sida weyn u dhaliila madaxweyne Donald Trump iyo siyaasaddiisa socdaalka.

  • Caalamka

    21-10-2026

  • 05:22AM

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM