Rag lagu tuhmay budhcadbadeednimo oo lasii daayay

Image
Ciidamada Denmark ayaa u cuksadey talaabadan in ay waayeen dal maxkamad soo taaga.

COPENHAGEN, Denmark - Saddex nin oo looga shakisan yahay inay burcad-badeed yihiin oo muddo lix toddobaad ah ku xidhnaa markab dagaal oo laga leeyahay dalka Denmark oo marayey xeebaha galbeedka Afrika, ayaa la sii daayey, iyagoo la socday doon yar.

Saddexda qof ayaa la qabtay bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay kadib markii ay gacanka Guinea ka dhacday rasaas ay dad badan ku nafwaayeen.

Ciidamada qalabka sida ee Denmark ayaa sheegay in ay ku guuldareysteen in ay helaan dal ka tirsan gobolka kaas oo qaadi doona dadka lagu eedeeyay burcad badeednimada.

Sidaas darteed waxaa la qaatay go’aan ah in nimankaas lagu sii daayo meel u dhow biyaha Nigeria, iyaga oo wata cunto iyo shidaal ku filan oo ay ku tagaan xeebta.

Sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta Denmark, israsaaseynta ayaa dhacday 24-kii November ka dib markii looga shakiyay burcad-badeed ay weerareen markab konteenar ah.

Afar ka mid ah raggan ayaa waxaa dilay ciidamada Denmark - oo aaggaas ku sugan, taasoo qayb ka ah howlgalka lagu ilaalinayo maraakiibta iyadoo la adkeeyay ammaanka burcadbadeedda - halka qof shanaad uu ku dhacay badda.

Afar kale ayaa lagu xiray markabka ciidamada badda ee Denmark. Waxaa lagu eedeeyay inay weerar ku qaadeen askarta Danishka - balse waxay dib ka beeniyeen eedeyntaas.

Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah tuhmanayaasha ayaa loo qaaday Ghana halkaas oo lugta laga gooyay - ayaa loo gudbiyay Danmark si loogu soo oogo dacwad ah isku day dil. Eedeymaha ka dhanka ah saddexda kale waa la laalay, sida ay qareenadooda xaqiijiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Soo Dhawaysay Balanqaadka Trump ee xalinta Khilaafka Webiga Nile

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u dhaliilay mashruuca biyo-xireenka Itoobiya, isagoo xusay in uu xannibayo biyihii webiga Nile.

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 06:51AM

Xaaska Macron oo Dacwad ka gudbisay haween ah oo sheegay in markii hore Nin ahaan jirtay

Dacwadda waxay salka ku haysaa muuqaal YouTube ah oo la daabacay 2021, halkaas oo laba haween ah.

  • Caalamka

    15-07-2025

  • 09:11AM